RASMI: Oscar Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Chelsea

0
Tuesday November 11, 2014 - 09:07:42 in by salman abdi
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Oscar Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Chelsea

    Kubad sameeyaha reer Brazil Oscar ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis afar sano iyo bar ah sida ay shaacisay kooxdiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubad sameeyaha reer Brazil Oscar ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Chelsea, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis afar sano iyo bar ah sida ay shaacisay kooxdiisa.


 


Oscar..

 


Wiilkaan reer Brazil ayaa heshiiska uu kooxda galbeedka London kula joogo gaarsiiyay ilaa 2019, wuxuuna qiray inuu ku faraxsan yahay joogitaanka horyaalka Ingiriiska.

Wuxuu u sheegay website-ka gaarka ah ee kooxda Chelsea: "Waan ku faraxsanahay sababtoo ah waan jeclahay u ciyaarida Chelsea iyo ku noolaashaha England”

"Waxaan ku raaxeysanayay halkaan 2-sano, haatana waxaan jeclahay inaan sii joogo in ka badan shan sano, sidaas darteed waan ku faraxsanahay”

Oscar ayaa kusoo bilowday 13 kulan, 17-kulan oo ay kooxda ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna dhaliyay sadex gool halka laba uu caawiyay kulamada EPL-ka, Blues ayaana haatan ah kooxda hogaamineysa horyaalka Ingiriiska.

Oscar ayaa kusoo biiray Blues 2012, wuxuuna ilaa iyo haatan saftay 126-kulan, tan iyo markii uu kasoo guuray kooxda reer Brazil eeInternacional.


contact@afkashacabka.com