
Faratoon Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha Iyo DIbedda Somaliland
Faratoon Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha Iyo DIbedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda
Arrimaha Dibedda iska casilay, ahna Musharax u tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, waxaanu tilmaamay in Xukuumadda talada
dalka haysaa ay ka go’antay inay umadda wax u qabato, horumarna gaadhsiiso waddanka.
Proff Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka
hadlay xanuunka Covid-19 iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Dhinaca
Siyaasadda Arrimaha Dibedda, iyo Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo dhinaca walba meel fiican baynu
maraynaa, inkastoo xilkii Wasiirnimo iska casilay, oo aan ahay Musharaxa, haddana Madaxweynaha iyo
Xukuumaddiisaba way ka go’an tahay horumarka dalka iyo dadkaba, way ka go’an tahay inay dalkeenu
ictiraaf helo, insha allaahna waynu heli doonaan wax walba oo inaga dhiman, maxaa yeelay maantaba
waxaa guul inoogu filan inaynu wax walba qabsanay iyadoo aanay ciddina inaga caawin,
Doorashooyinkeenu sida ugu fiican bay inoogu dhici doonaan”.
Mar wuu ka hadlaayey Covid-19 wuxuu yidhi "Waynu la soconaa in Covid-19 yahay xanuun malaayiin qof
ku dilay Caalamka, inagana dad baa inagaga dhintay, ee ALLE ha inoo sahlo, ALLENA waxaynu ka
baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo dadkeena u jiifa uu caafimaad ugu beddelo, ee tallooyinkaas iyo
wacyigelintaas ku saabsan sida la iskaga ilaalinayo xanuunkan ha la raaco, oo aad ha looga feejignaado”.
Mar wuu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi "Abaaruhu waa mid ka mid ah masiibooyinka jira, ee
waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu abaarahaas inoogu beddelo nimco oo uu inoo shubo roobkiisa”.
Faratoon Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha Iyo DIbedda Somaliland
Faratoon Oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed Ee Gudaha Iyo DIbedda Somaliland