Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

0
Sunday March 28, 2021 - 11:06:16 in by salman abdi
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay madaxii Qaraxyada Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.


Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkan iyo 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.