Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday Askar ku soo dhaawacantay weerarkii Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

0
Tuesday April 06, 2021 - 08:56:33 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday Askar ku soo dhaawacantay weerarkii Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

    Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday Askar ku soo dhaawacantay weerarkii Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday Askar ku soo dhaawacantay weerarkii Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxmed Xusseen Rooble ayaa ku booqday isbitaalka xoogga qaar ka mid ah askartii uu dhaawaca ka soo gaaray weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariirre iyo Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose.

Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka oo ka waramay xaalada askarta, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, isaga oo ku rajeeyay caafimaad

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa Askarta uga mahad celiyay geesinimada iyo nafhurnimada ay sameeyeen si ay isaga difaacaan ayuu yiri koooxaha cadawga ah.

Qaar ka mid ah askarta ayaa Ra'iisal Wasaaraha uga mahad celiysay booqashadiisa.

Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirro iyo muuqaaloo la xiriira weerarkii Bariirre iyaga oo beeniyay muuqaalo ay dowladdu baahisay, waxaana ay Al-shabaab sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 47 askari oo ka tirsanaa cidanka dowladda.