Obama Oo Isugu Yeedhay Madaxda Militariga & Heshiiskii Afghanistan Oo Fashil Ku Dhaw

0
Wednesday February 05, 2014 - 18:31:24 in by Super Admin
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama Oo Isugu Yeedhay Madaxda Militariga & Heshiiskii Afghanistan Oo Fashil Ku Dhaw

    President Obama Oo Isugu Yeedhay Madaxda Militariga & Heshiiskii Afghanistan Oo Fashil Ku Dhaw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

President Obama Oo Isugu Yeedhay Madaxda Militariga & Heshiiskii Afghanistan Oo Fashil Ku Dhaw

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa kulan albaabada u xidhan yihiin la yeeshay Xogyaha Difaaca Maraykanka iyo Taliyaha ciidamada NATO ee ku sugan Afghanistaan, xili muran ka taagan yahay heshiiskii afghanistaan.

Obama ayaa la kulmay Xoghayaha Difaaca Chuck Hagel iyo Jeneraal Joseph Dunford oo ah Taliyaha Ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ee ku sugan Afghanistaan, si looga hadlo qorshaha ciidamada looga soo saarayo dalkaasi Afghanistaan iyo caqabada hortaagan heshiiskii la xadhiidhay wadashaqenta Afghanistaan iyo Maraykanka wixii ka danbeeya sanadka 2014.

Madaxweynaha Afghanistaan Xamiid Karsaay ayaa diidan weli inuu saxiixo heshiiskii Maraykanka iyo afghanistaan ee qorshaha xigi doona marka Maraykanka inta badan ciidamadiisa kala baxo Afghanistaan dhamaadka sanadkan.

Heshiiskan ayaa ah mid horey loogu heshiiyey in la saxiixo bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay balse illaa iyo hada waxaa diidan inuu saxiixo Madaxweynaha afghanistaan.

Qodobada heshiiskan ayaa waxaa kamid ah tirada ciidamada Maraykanka uga tagi doono Afghanistaan iyo xeryaha uu kusii lahaan doono wadankaasi, balse Maraykanka ayaa sheegay in hadii dowlada Afghanistaan saxiixo weydo heshiiskan ay gebi ahaan kala bixi doonto ciidamadeeda wadankaasi, arrintan ayaa khatar ku ah amaanka dowlada Afghanistaan oo aan hada heysan ciidamo ku filin amniga dalkeeda.

Xamiid Karsaay ayaa horey qodobo ugu xiray heshiiskan, sida in beelaha Afghanistaan saxiixaan ogolaanshaha heshiiskan, balse markii ay beelaha taageereen heshiiskan, ayuu Xamiid karsaay markale ku xiray in marka hore Maraykanka wadahadal nabadeed la sameeyo Talibaanka, arrintan oo hada caqabad ku ah heshiiskan.

Xamiid Karsaay ayaa muddo bilo ah u hartay wakhtiga uu xilka hayo intaan la gaarin bisha April oo ay dhici doonaan doorashooyinka Afghanistaan, waxaana la rumeysan yahay in Xamiid Karsaay sababta uu udiidan yahay inuu heshiiskan saxiixo ay tahay inuusan dooneyn in magaciisa lagu qoro heshiiskan muddada dheer socon doona.