Hoggaamiyayaasha Soomaalidu waa in bisha Ramadaan uga faaidaystaan dib u heshiisiin iyo midnimo"James Swan

0
Tuesday April 13, 2021 - 13:18:30 in by salman abdi
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyayaasha Soomaalidu waa in bisha Ramadaan uga faaidaystaan dib u heshiisiin iyo midnimo"James Swan

    Hoggaamiyayaasha Soomaalidu waa in bisha Ramadaan uga faaidaystaan dib u heshiisiin iyo midnimo"James Swan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyayaasha Soomaalidu waa in bisha Ramadaan uga faaidaystaan dib u heshiisiin iyo midnimo"James Swan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa  hambalyo diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed in ay bishaan uga faa’idaystaan wadajirka, dulqaadka, iscafinta iyo dib u heshiisiinta, taas oo sidoo kale uu sheegay inuu rajeyneyno in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku hagidoonto  midnimo.

Bisha Ramadaan ayaa dhalatay, iyadoo hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay si xooggan isugu khilaafsan yihiin doorashada, waxaana khilaafka sii huriyay kadib markii shalay barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya in guddiga doorashada ee hoggaamiso Xaliimo Yarey la siiyo labo sano oo ay ku dalka ku gaarsiiyaan doorasho xor ah.

Beesha caalamka weli kama hadlin go’aanka barlamaanka Soomaaliya, Balse waxay horey hoosta uga xarriiqeen in aysan taageeridoonin wax aan ka ahayn heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 ka September.