Daawo Sawiro: Ibrahimovic Oo Markii Sideedaad Oo Isku Xigta La Gudoonsiiyay Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ugu Fiican Sweden Iyo Ibrahimovic Oo Khudbad Qiiroleh Jeediyay

0
Wednesday November 12, 2014 - 08:31:08 in by Burco Office
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro: Ibrahimovic Oo Markii Sideedaad Oo Isku Xigta La Gudoonsiiyay Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ugu Fiican Sweden Iyo Ibrahimovic Oo Khudbad Qiiroleh Jeediyay

    Xidiga xulka qaranka Sweden iyo kooxda PSG ee Zlatan Ibrahimovic ayaa markii sideedaad oo isku xigta la gudoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka ee Sweden ugu fiican. Ibrahimovic ayaan xafaladii abaal marinta lagu gudoonsiinayay ka jeediyay khudba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Sweden iyo kooxda PSG ee Zlatan Ibrahimovic ayaa markii sideedaad oo isku xigta la gudoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka ee Sweden ugu fiican. Ibrahimovic ayaan xafaladii abaal marinta lagu gudoonsiinayay ka jeediyay khudbad gilgishay madashii xafladu ka socotay.

4


Ibrahimovic oo markii 8 aad oo isku xigta gudoomay kubbada dahabka ah ee Swedan ayaa xaflada uu ku gudoomayay ka jeediyay hadal qalbiga dhaqaajiyay dadkii ka soo qaybgalay xaflada, taas oo la xidhiidhay geerida walaalkii Sakpo oo dhawr bilood ka hor geeriyooday iyo sidoo kale geerida xidigii hore ee SwedenKlas Ingesson.Laakiin Ibrahimovic ayaa abaal marintan guud ahaan ku guulaystay 9 jeer halka ay tan uu hadda gudoomay tahay abaal marintii 8 aad oo xidhiidh ah.

Xafladan ayay markii horeba hadhaysay geerida xidigii hore ee Sweden Klas Ingesson kaas oo ka mid ahaa kooxdii Sweden ee sanadkii 1994 koobka aduunka ka gashay kaalinta saddexaad, kaas oo isaguna u geeriyooday isla xanuunka kansarka. Waxakale oo jirtay in Pontus Segerström oo xafladan lagu soo qaaday kaas oo ahaa difaacii hore ee kooxda IF Brommapojkarna ee Pontus Segerström oo ay isagana xusuustu ka luntay.

Kadib markii uu Ibrahimovic hadalka qaatay ayuu yidhi: " Dhamaan abaal marinaha aan qaatay, waxay muujinyaan waxa aan gaadhay iyo inaan ku fiicanahay waxaan qabanayo, laakiin waxaa hadheeyay waxaa ku dhacay Klas Ingesson iyo Pontus Segerstrom”.Ibrahimovic oo qiiraysan oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi: " waxaa jiray nin aanu walaalo ahayn kaas oo bilo ka hor cudurkan oo kale u geeriyooday, waxaa jirta nolol kale oo ka danbaysa kubbada cagta oo aad uga muhiimsan tan aynu hadda joogno. Sidaa daraadeed ma ku nasan doonaan nabadgalyo!!”.

Ibrahimovic oo ah nin hadalkiisu dadka si fiican u saameeyo ayaa awoodi waayay inuu dareenkiisa xakameeyo ka hor intii uuna goobta uu ka hadlayay ka dhaadhicin iyadoo dadkii xaflada joogay aad ugu sacabinayaan isla markaana ay qiiraysan yihiin.

Ibrahimovic oo sideed sano oo isku xigta ku guulaystay abaal marinta kubbada dahabka ah ee Sweden ayaa ciyaartoygii ugu danbeeyay ee ku guulaystaa uu ahaa xidigii hore ee Arsenal ee Freddie Ljundberg kaas oo ku guulaystay sanadkii 2006



25673

contact@afkashacabka.com