Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maanta Yeelanaya Kulan Xasaasi Ah Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Hortagaya.
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Maanta Yeelanaya Kulan Xasaasi Ah Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Hortagaya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu
maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo codsan doona in ay dib uga laabtaan
Farmaajo oo dhawaan TV Qaranka kala hadlay shacabka ayaa sheegay in uu 01 bisha May oo maanta ku
beegan uu hortagi doono xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ka codsanaya in dib loogu laabto
hannaankii doorasho ee 17kii September, kaddib iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho
ee dhaxmaray ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaraadka.
Laakiin waxaa soo baxaya shaki la xiriira sida xildhibaannadu ku aqbali doonaan ka tanaasulka go'aankii ay
gaareen 12kii April, waxaana ilaa xalay soo baxayay digniinno loo jeedinayay Baarlamaanka oo laga dalbaday
in aysan qaadan go'aamo mar kale dalka qalalaase gallin kara.
Midowga Musharixiinta ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu yahay shaqsiga
kaliya ee caqabada ku ah in heshiis kama danbeys ah laga gaaro doorasho dalka ka dhacda, iyaga oo dhinaca
kalana ugu baaqay Ra'iisal Wasaare Rooble in uu la wareego hannaanka geedi socodka doorashada