Ergay ka socda dowladda Qatar oo kulamo ka wadda magaalada Muqdisho

0
Sunday May 02, 2021 - 16:18:59 in by salman abdi
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergay ka socda dowladda Qatar oo kulamo ka wadda magaalada Muqdisho

    Ergay ka socda dowladda Qatar oo kulamo ka wadda magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergay ka socda dowladda Qatar oo kulamo ka wadda magaalada Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ergay gaar ah oo ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani kaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada.

Maalmaha uu sugnaan doono magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa ergayga in uu kulamo kala duwan la qaato dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda, Dowladda Dhexe, Dowlad Gobolleedyada iyo Midowga Musharixiinta intaba.

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Balal Maxamed Cusman.

Imaantinka Ergayga Qatar ayaa imanaya xili la soo afjaray xiisadii siyaasadeed ee ka taagneyd muddo korarsiga oo maalintii shalay uu baabi'iyay Baarlamaanka Soomaaliya.