Puntland Oo Hakisay Safarka Dadka Ka Imaanaya Dalka Hindia + Sababta.

0
Wednesday May 12, 2021 - 11:14:20 in by salman abdi
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Hakisay Safarka Dadka Ka Imaanaya Dalka Hindia + Sababta.

    Puntland Oo Hakisay Safarka Dadka Ka Imaanaya Dalka Hindia +Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Hakisay Safarka Dadka Ka Imaanaya Dalka Hindia +Sababta. Puntland ayaa joojisay safarka dadka ka imaanaya dalka Hindia, halkaasoo uu ka dillaacay nuuca cusub ee cudurka Covid-19 oo maalin walba ay u geeriyoodaan boqolaal qof. Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay, iyadoo Puntland ilaalinayso badqabka shacabkeeda in ay joojiyeen safarka dadka ka imaanaya Hindia, waxaana laga codsaday dadkaas inay sii joogaan inta xaaladu isbadalayso. Wasiirka caafimaadka Puntland wuxuu sheegay ciddii jebisa awaamiirtan in ay galin doonaan karantiil labo todobaad ah, si loo hubiyo caafimaadkooda meesha ay doonaan hasoo maraan. Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa ugu baaqay dawladda federalka iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan. Dhinaca kale, Puntland ayaa shaacisay bishaan dhamaadkeeda in la bilaabi doono wajiga labaad ee talaalka Covid19. Wajiga labaad ayaa waxaa la siin doonaa dadkii horay u qaataay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadan loo sheegayo in wali talaalku diyaar ku yahay xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka.