Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ku dhawaaday inuu guursado Atariishada caanka ah ee Bollywood

0
Thursday May 13, 2021 - 09:14:58 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ku dhawaaday inuu guursado Atariishada caanka ah ee Bollywood

    Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ku dhawaaday inuu guursado Atariishada caanka ah ee Bollywood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ku dhawaaday inuu guursado Atariishada caanka ah ee Bollywood

Waxaa dib usoo cusboonaatay hadal heyn ku saabsan xiriir uu siyaasiga reer Pakistan lasoo yeeshay xiddigaha filimada Hindiya xilligii uu ahaa ciyaartoyga, baraha bulshada iyo warbaahinta ayaana cirka kusii shareeray.

Imran Khan oo hadda Ra'iisul Wasaare ka ah dalka Pakistan wuxuu mar ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan cricket-ka, sidoo kalena wuxuu ku caan baxay in dumar badan ay daneyn jireen, sida lagu qoray qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Hindia.

Isagoo kabtan u ah xulka cricket-ka dalka Pakistan ayuu ku guuleystay tartankii koobka adduunka. Intii uu ciyaaraha ku dhex jiray waxaa lagu yaqaannay inay ku hareereysnaayeen dumar wada qurux badan.

Xilligaas Hindiya iyo Pakistan waxay lahaayeen xiriir diblomaasiyadeed oo labada dhinacba ah, taasoo ka dhigneyd in ciyaartoyda labada waddan ay isku dhawaayeen.

Sidoo kale ciyaartoyda labada dhinacba waxay fursad u heysteen inay saaxiibbo ka sameystaan meel ka baxsan xuduudda. Imran wuxuu u muuqday mid ka faa'iideystay fursaddaas, maadaama uu xiriir la yeeshay qaar badan oo ka mid ahaa atariishooyinkii ugu sarreeyay Bollywood-ka. Mid ka mid ah waxay ahayd Rehkha.

Warbixin lagu qoray wargeyska Star oo waagaas la daabacay ayaa mar kale kusoo labo kacleysay baraha bulshada, dadweynaha ayaana si weyn u hadal haya.

Maqaalkaas waxaa lagu sheegay in Imran Khan iyo Rekha ay ku dhawaadeen in uu guurkooda dhaco.

.


Waxaa la aaminsan yahay in Rekha hooyadeed ay aad ugu faraxsaneyd tallaabada ay gabadheeda qaadeysay iyo horumarka kusoo kordhayay nolosheeda.

Isla maqaalkan ayaa lagu sheegay in Imran Khan uu waqti qiimo leh la qaatay atariishada oo uu hal bil la joogay magaalada Mumbai, iyagoo marar badanna lagu arkay xeebaha.

Dadkii isku arkay lamaanahan ayaa tabiyay in ay u muuqdeen kuwo aad isugu dhow "jacaylkooduna uu ahaa mid aad u qota dheer."

Wargeyska sheekadan qoray ayaa sidoo kale ka hadlay fikirka uu Imran ka qabay haasaawaha atariishooyinka. Mar ayaa laga soo xigtay inuu yidhi: "La socoshada atariishooyinka aad wuxuu ugu wanaagsan yahay xilli gaaban. Waan jeclahay wehelkooda, marar kala duwan ayaan la qaatay waqti waana ka sii socday. Waligay kuma fikirin inaan guursado haweeney atariisho ka ah filim."

.

Imran Khan ayaa lagu xantaa inuu ahaan jiray nin aad u dumar badan, taasoo loogu bixiyay magaca "ninka haweenka badan", sida ay tabiyeen warbaahinta hadal haya sheekadan.

Xiddigaha kale ee Bollywood-ka ee la sheego in Imran ay xiriirka haasaawe lasoo wadaageen waxaa ka mid ah Shabana Azmi, Zeenat Aman iyo kuwo kale.

Rekha, oo magaceeda dhabta ah uu yahay Bhanurekha Ganesan, waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah atariishooyinkii ugu fiicnaa ee soo mara shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya.

Waxay kasoo muuqatay in ka badan 180 filim waxayna ku guuleystay abaalmarinno badan.