Heshiiska xabbad joojinta ah ee ay gaareen Israa'iil iyo Xamaas

0
Saturday May 22, 2021 - 08:42:02 in by salman abdi
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska xabbad joojinta ah ee ay gaareen Israa'iil iyo Xamaas

    Heshiiska xabbad joojinta ah ee ay gaareen Israa'iil iyo Xamaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska xabbad joojinta ah ee ay gaareen Israa'iil iyo Xamaas

Waxaa dhaqan galay heshiis xabbad joojin ah oo ay wada gaareen Israa'iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee ku sugan Marinta Qasa.

Waxaa sidaas ku istaagay dagaal socday 11 maalmood oo xoogagga Xamaas ay 4,000 oo gantaal ku tuureen dhinaca Israa'iil halka militariga Israa'iil ay 1,500 oo duqeymo ah ku beegsadeen Qasa.

Ugu yaraan 243 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 100 ruux oo isugu jira haween iyo carruur, ayaa lagu dilay Qasa, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Israa'iil waxay sheegtay inay dishay 225 xubnood oo ka mid ah mintidiinta intii uu dagaalka socday.

Dhinaca Israa'iil, 12 ruux, oo ay ku jiraan labo carruur ah, ayaa la dilay, sida ay sheegeen laamaha adeegayada caafimaadka.

Maxay tahay faahfaahinta ku saabsan xabbad joojinta?

Xabbad joojintu si fudud waxay ka dhigan tahay in labada dhinacba ay ku dhawaaqaan in aysan sii wadeynin dagaalka, ha ahaato si toos ah ama muddo kooban.

Iron Dome missile intercept

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Qalabka difaaca hawada ee Israa'iil waxaa loogu talo galay inuu qabto gantaallada lagu soo tuuro

Waxaa laga yaabaa in dagaalka uu mar kale dib u qarxo, marka loo eego isku dhacyadii hore ee Israa'iil iyo Xamaas ee lagu hakiyay xabbad joojinta.

Labada dhinacba waxay isku raaceen inay dagaalka joojiyaan marka ay saacaddu ku beegan tahay 0200 waqtiga maxalliga ah ee Jimcada (oo u dhigma 23:00 GMT ee Khamiista).

Markii loo sii dhawaanayay waqtigan, waxaa lasoo tabiyay inay sii socdeen duqeymaha dhinaca cirka ee Israa'iil ay ku heysay Qasa iyo gantaallada lagu tuurayay dhinaca Israa'iil.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xabbad joojinta aysan qarin karin burburkii ka dhashay dagaalka.

Maxay yihiin qodobbada xabbad joojinta?

Xog aad u kooban ayaa la shaaciyay, wadahadallada xabbad joojinta lagu saxiixdayna ma ahayn kuwo kasoo muuqday warbaahinta.

Dalalka awoodda leh ee gobolka, sida Masar iyo Qadar ayaa ku lug lahaa heshiiska, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in Israa'iil ay aqbashay xabbad joojin "shuruud la'aan ah" oo colaadda lagu hakinayo.

Palestinian children in Gaza

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Carruur Falastiiniyiin ah oo dib ugu soo laabtay gurigooda ku yaalla magaalada Beit Hanoun xabbad joojinta kaddib

Hoggaamiye ka tirsan Xamaas oo ku sugan Qasa ayaa BBC-da u sheegay in Israa'iil ay oggolaatay "inay faraha ka qaadaan" masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus (oo ah mid ka mid ah magaalooyinka barakeysan ee Islaamka) iyo waliba degmada Sheikh Jarrah, halkaasoo ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo dadka Falastiiniyiinta ah looga saarayay guryahooda.

Hase yeeshee, arrintan waxaa beenisay Israa'iil.

Labadan arrimood waxay ahaayeen kuwii sababay billaabashada dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac ee qarxay horaantii bishan.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Bejamin Netanyahu, ayaa sheegay in duqeymihii xagga cirka ee Israa'iil "laga soo hoyiyay guul" ayna "baddaleen waxa ay ka qabeen" ururka Xamaas.

Israeli rescue team at damaged house

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Shaqaalaha gurmadka Israa'iil oo ku sugan guri ku yaalla magaalada Ashkelon oo uu ku dhacay gantaal laga soo tuuray Qasa

Waxaa lagu soo warramay in Israa''iil ay oggolaatay inay dib u furto hal meel oo laga gali karo Marinka Qasa si loo fududeeyo adeegyada gargaarka.

Gudaha Israa'iilna waxaa la qaaday inta badan xayiraadihii dhinaca amniga ee lagu soo rogay meelo ka mid ah waddanka, duullimaadyadiina waxay dib u billaaban doonaan maalmaha soo socda.

Ilaa goormey soconeysaa xabbad joojinta?

Xabbad joojinta hirgashay ma aha mid waqtiyeysan, hoggaamiyeyaasha caalamkuna waxay muujiyeen rajada ay ka qabaan in ay noqoto mid sii soconeysa.

Masar ayaa sheegtay in ay diri doonto labo wafdi oo soo kormeera xabbad joojinta, kuwaasoo mid loo dirayo Tel Aviv kan kalena loo dirayo Qasa. Sida ay wararku sheegayaan, waxay raadinayaan sidii xabbad joojintaas ay u noqon lahayd mid waarta.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedday "fursad wanaagsan" oo lagu hormarin karo dadaalka.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yidhi: "Waxaan ammaan u jeedineynaa Masar, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dhinacyada kale ee ka qayb qaatay dadaalka lagu fufufeynayay arrintan."

Shiinaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhinacyadu ay dhaqan galiyaan xabbad joojinta.

Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xabbad joojinta, laakiin wuxuu sheegay in labada dhinacba ay tahay inay helaan "xal rasmi ah" oo lagu joojinayo isku dhaca.

Hase yeeshee, xabbad joojintan waxba kama baddaleyso arrimihii taagnaa ee ay isku khilaafsanaayeen Israa'iil iyo Falastiiniyiinta