Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Soomaaliya Ku Diiday Ergaygii Midowga Afrika.
Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Soomaaliya Ku Diiday Ergaygii Midowga Afrika. IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM ayaa qoraal ay soo saareen ku
sheegay inay ka xun yihiin diidmada dowladda federaalka ee ka dhanka ah ergeygii uu Midowga Afrika John
Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa warqad uu u qoray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika
xalay uga laabtay aqabalaaddiisii aheyd inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee xal u helidda ismari waaga doorashada Soomaaliya, isaga oo sababta ku sheegay diidmada dowladda federaalka.
"Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aanka ay hoggaanka dowladda federaalka ku diideen wakiilka sare ee
Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu
ka qaato sare u qaadidda nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jirto tabarucaadda weyn ee Amisom,”
ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo QM.
Dowladda federaalka ayaa sababta ay ku diiday magacaabistiisa Mahama ku sheegtay inuu xiriir dhow la
leeyahay dowladda Kenya, oo ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed.
Mahama ayaa warqadda uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ku
sheegay in muhiimadda siyaasadeed ee sare ee shaqada loo igmaday ay u baahan tahay in ergeyga uu helo
taageerada buuxda iyo wada-shaqeynta dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.
Mahama waxa uu intaas ku daray in taageero la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya ay halis gelin karto
hanaanka oo idil, islamarkaana waxyeeleyn karto rajada dunida ay dhan ay ka qabto inuu nabad kusoo dabaalo
Soomaaliya
Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Soomaaliya Ku Diiday Ergaygii Midowga Afrika.
Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Go'aanka Ay Soomaaliya Ku Diiday Ergaygii Midowga Afrika.