Buuq ka dhashay filim ku saabsan xasuuqii masaajidka New Zealand

0
Monday June 14, 2021 - 12:27:01 in by salman abdi
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuq ka dhashay filim ku saabsan xasuuqii masaajidka New Zealand

    Buuq ka dhashay filim ku saabsan xasuuqii masaajidka New Zealand

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuq ka dhashay filim ku saabsan xasuuqii masaajidka New Zealand

Gabadhii soo saaraha ka aheyd filim ku saabsanaa weerarkii argagixisada ahaa ee lagu qaaday masaajidka ku yaallay Christchurch ee dalka New Zealand ayaa ka laabatay soo saaristiisa kadib markii uu dhaleeceen xooggan uu kala kulmay filimka.

Philippa Campbell ayaa raalli gelin ka bixisay filimka isla markaana sheegtay in aysan horay ugu baraarugsanayn dhibaatada uu geysan karo filimka.

Filimka lagu howlanaa soo saaristiisa ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro kaalinta Ra'iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ay ka qaadatay ka jawaabcelinta weerarkii lagu qaaday masaajidda sanadkii 2019-kii gaar ahaan khudbad ay jeedisay.

Toogashadaas ayaa aheyd weerarkii ugu ba'naa ee ka dhaca New Zealand oo ay ku dhinteen 51 qof.

"Waxaan dhageystay walaaca dhawaan laga muujiyay filimka, waxaan dhageystay muhiimadda ay xambaarsaneyd aragtida dadweynaha" ayay tiri Philippa Campbell.

"Haatan waxaan aqbalay in filimka ku saabsan weerarkii 15-kii bishii March 2019 uu ahaa mid ceyrin oo aanan dhameystirneyn, sidaas darteed, aniga ma doonayaa in aan ku lug lahaado mashruuc abuuri karo jahwareer"

Inay isaga hartay soo saarista filimka kama dhigno in laga tanaasulay filimkan uu taageerayo Mareykanka.

masjidka Al Noor ee lagu qaaday weerarka sanadkii 2019

Qoraalka sawirka,

masjidka Al Noor ee lagu qaaday weerarka sanadkii 2019

Dhaleeceynta Ra'iisul Wasaaraha ee filimka

Ra'iisul wasaaraha New Zealand ayaa Isniintii dhaleeceysay filimka oo ay ku sheegtay in mid aanan ku beegneyn wakhtiga isla markaana ka hadlayo mowduuc khaldan.

"Inkasta oo ay jiraan sheekooyin badan oo filimka lagu sheegi karo, markaa ma qabo in sheekadeyda ay kamid noqoto filimka" ayay tiri Jacinda Ardern oo ah Ra'iisul Wasaaraha New Zealand.

Jacinda Ardern waxaa si weyn loogu amaanay qaabkii ay ula tacaashay weerarkii iyo khudbaddii ay jeedisay.

Waxaana lasoo jeediyay in filimka lagu bilaabo khubaddii ay jeedisay markii uu weerarka dhacay.

Ururada ka tirsan bulshada Muslimiinta ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay filimka oo ay ku sheegeen in uu yahay mid eegayo danaha dadka caddaanka intii lagu sharraxi lahaa dhibaatada dadkii ay waxyeellada kasoo gaartay weerarka.

Waxay sheegeen in intii filimka lagu eegi lahaa kaliya kaalinta Ra'iisul Wasaaraha ay aheyd in looga hadlo dhibanayaasha.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Aya Al-Umari, oo walaalkeed lagu dilay weerarka ayaa tiri, "Filimka ma aha sheekda rasmiga ah ee la doonaya in laga sheekeeyo"

Dacwad ay gudbiyeen ururka dhalinyarada qaran ee islaamiga ah ayaa lagu codsaday in filimka la hakiyo, waxay soo uruuriyeen saxeexyada 60,0000 qof oo kasoo horjeeday filimka.

Waxay ku baaqeen in filimka uu yahay mid hal dhinac ah, "Dhibanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarka ayay aheyd in diiradda lagu saaro intii lagu soo bandhigi lahaa jawaab ay ka bixisay haweeney caddaa ah"

 

Waxay intaas ku dareen in bulshada Muslimiinta ah aanan lagala tashan mashruuca soo saarista filimkan.

Duqa magaalada uu weerarka ka dhacay ee Christchurch ayaa dhankeeda sheegtay in magaalada aanan lagu soo dhaweyn doonin kooxda jileysa filimka.

"Waxaan aad uga carooday in weli ay ka fakarayaan in arrintani ay tahay arrin habboon" ayay tiri Lianne Dalziel oo la hadleysay warbaahinta RNZ.

15-kii March 2019, nin u dhashay Australia oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ayaa weerar ku qaadan dad cibaadeysanayay oo ku sugnaa masjidka Al Noor, isaga oo weerarka si toos ah uga baahinayay Facebook, wuxuuna adeegsanayay kaamiro yar oo madaxa ugu xirneyd.

Wuxuu ka dib gaari u kaxeystay Xarunta Islaamiga ah ee Linwood halkaas oo uu ku toogtay dad dibadda xarunta ku sugnaa, wuxuuna kadib dadka ka toogtay daaqadaha.