Brazil Oo Turkiga ku dur durisay Iyo Kulamada Ciyaarihii Xulalka ee saxiibtinimo Ee Xalay Dhacay.

0
Thursday November 13, 2014 - 15:05:02 in by
  • Visits: 1302
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Turkiga ku dur durisay Iyo Kulamada Ciyaarihii Xulalka ee saxiibtinimo Ee Xalay Dhacay.

    Neymar Oo Xiddiga Garoonka Noqday Xilli Brazil Ay Xasuuqday Turkiga;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar Oo Xiddiga Garoonka Noqday Xilli Brazil Ay Xasuuqday Turkiga;


1351085-29015581-2560-1440-285x160

Neymar ayaa dhaliyay laba gool iyadoo Brazil ay guul weyn ka gaadhay Turkiga kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Istanbul, iyadoo Samba Stars ay ku badiyeen 4-0.

Turkiga ayaa bixiyay 5 milyan doolar si ay Brazil ugu soo booqato Istanbul, laakiin awood waa ay u yeelan waayeen inay iska dhiciyaan Brazil kuwaasoo ka duwan xulkii guudaradii 7-1 ka soo gaadhay Jarmalka ee Koobkii Adduunka.

Tababaraha cusub Dunga ayaana ku soo laabashadiisa xulka waxa ay keentay inuu gaadho shan guul shan kulan tan iyo markii uu xulka qabtay bishii July.

1351125-29016390-640-360

Neymar ayaa Brazil hogaanka u dhiibay daqiiqadii 20aad ka hor intii aanu  Semir Kaya uusan gool iska dhalinin afar daqiiqo ka dib.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Willian oo ka mid ah seddex xiddig oo Blues ah oo ku soo bilowday ciyaartaan ayaa dhaliyay goolka seddexaa ka dib markii uu ka soo shaqeeyay Neymar.

Xiddiga Barcelona Neymar ayaa dhameystiray gooldhalinta isagoo dhaliyay goolkiisii 42aad ee xulka Brazil.

Turkiga oo ugu hooseeya Group A isreebreebka Euro 2016 ayaa wajaheysa axada Kazakhstan kulan ka tirsan isreebreebka.

 Messi Iyo Asxaabtiisa Argentina Oo Ciid Ku Shubay Dadaalkii Kooxeed Ee Croatia.

1351115-29016181-2560-1440

Xulka kaalinta labaad ka soo galay Koobka Adduunka Argentina ayaa la soo shirtagtay ku dhawaad kooxdeeda ugu xoogan iyagoo 2-1 ku dardaray xulka Croatia kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Upton Park ee magaalada London.

Xulka reer Yurub ayaa doortay inaysan ku soo shirtagin shaxdooda ugu adag iyadoo ciyaartoyda sida Luka Modric uu kursiga keydka ku soo bilowday laakiin waxa ay qabteen hogaanka daqiiqadii 11aad ee ciyaarta.

Anas Sharbini ayaana goolka furitaanka dhaliyay isagoo darbo ka soo tuuray dhanka bidix islamarkaana ku garaacday goolhaye Romero. Daafaca garabka Cristiano Ansaldi ayaana ka dib ciyaarta barbaro ka dhigay ka dib markii darbadiisa ay ku dhacday xusulka Sergio Aguero taasoo keentay inay shabaqa gasho.

Goolka guusha waxa uu ahaa gool rigoore ah oo uu dhaliyay Lionel Messi ka dib marklii weeraryahanka Barcelona uu kubad u dhex bixiyay Sergio Aguero bilowgii qeybta labaad. Weeraryahanka City oo gool u furnaa ayaa waxaa qalad ku galay goolhayaha Croatia Lovre Kalinic taasoo keentay in rigoroe laga dhigo, Messi ayaana si sahlan gool ugu sarifay.

Croatia ayaa kulankaan ka qaadan karta dadaalkooda wadajir ahaaneed ee ay sameeyeen gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin ciyaartoydii fiicneyd ayaa badisay haddii aysan aheyn xulkii fiicnaa.




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com