Taliska ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho

0
Tuesday June 15, 2021 - 17:26:12 in by salman abdi
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho

    Taliska ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si faahfaahsan uga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo barqaninadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada Jenaral Dhagabadan.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in qaraxa maanta uu fuliyay ruux isku soo xiray Jaakad walxa qarxa ku rakiban yihiin, islamarkaana uu dhexgalay dhalinyaro dooneysay iney ku biiraan ciidanka Gorgor oo ku jiray safka baaritaanka Xerada Jenaral Dhagabadan si ay Xerada ugu gudbaan.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 10 ka mid ah dhalinyaradii ku sugneed afaafka hore ee Xerada ay ku dhinteen qaraxa halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho.

"Allaha u naxariisto waxaa dhimatay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah” sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed dhalinyarada maanta lagu dilay qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee doonayay isu diiwaan gelinta ku biiritaanka ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya.