Dhismaha kanaalka Istanbul: Maxaa walaac looga muujiyay qorshaha muranka dhaliyay ee uu wado Erdogan

0
Monday June 28, 2021 - 10:12:58 in by salman abdi
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha kanaalka Istanbul: Maxaa walaac looga muujiyay qorshaha muranka dhaliyay ee uu wado Erdogan

    Dhismaha kanaalka Istanbul: Maxaa walaac looga muujiyay qorshaha muranka dhaliyay ee uu wado Erdogan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhismaha kanaalka Istanbul: Maxaa walaac looga muujiyay qorshaha muranka dhaliyay ee uu wado Erdogan

Madaxweynaha Turkiga RecepTayyip Erdogan ayaa dhawaan xarigga ka jaray mashruuc kanaal looga dhisayo magaalada Istanbul si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashuuqlka badan ee ku ee ku yaalla gacanka magaaladaas.

Mashruucan oo kacaya 15 bilyan oo doolar ayuu Erdogan ku sheegay mid lagu han-weyn yahay isla markaana ka shaqeynayo danaha shacabka ku nool dalkaas.

"Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga" ayuu yiri Erdogan xilli uu ka hadlayay munaasabadda lagu dhagax dhigayay mashruuca.

Sida laga soo xigtay dowladda Turkiga, mashruuca wuxuu qaadaan ilaa lix sano balse dadka dhaleeceeyo arrintani ayaa ku tilmaamay in mashruuca uu saameyn ku yeelan doono deegaanka.

Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus.

Dadka dhaleeceya mashruucan ayaa ku tilmaamay mid 'waalli ah' oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo biyaha.

Halka dadka qaar ay ku andacoonayaan in mashruucan uu Turkiga u horseedi doono in deymo badan uu soo amaahdo.

Waxay ku doodayaan in mashruuca uu burburin doono nolaha badda iyo isla markaana uu halis gelin karo biyaha macaan ay helaan shacabka Istanbul.

Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah.

Qaar kamid ah saraakiisha uga sarreysa ee ka shaqeeya bangiyada Turkiga ayaa sheegay in qaar kamid ah bangiyada ugu weyn ee ka jira dalkaas in aysan dan ka laheyn maalgelinta mashruuca maadama ay walaac ka muujinayaan dhibaata deegaan iyo midda dhaqaale ee ka dhalan karta, sida ay ku warrantay Reuters.

.


 

Marinka Bosphorus oo ay aad u isticmaalaan maraakiibta, waa goobta kaliya ee biyo ah ee Badda Madow ku xirta badda Mediterranean-ka.

Kanaalka qorshihiisa xarigga laga jaray ayaa noqon doona marin kale.

Haataan waxaa Bosphorus sanadkiiba maraa 43,000 oo maraakiib ah kuwaas oo ciriiri kala kulma marinka, wakhti badan ku qaata halkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xiritaankii saraakiisha howlgabka ahaa

Bishii April ayay aheyd markii Turkiga xiray 10 admiraal oo howlgab ah ka dib markii ay si cad u dhalleeceeyeen mashruuc kanaalka wayn looga dhisayo magaalada Istanbul, arrintaas oo uu garwadeen ka yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dadkaas la qabtay waxay ka mid yihiin 104 saraakiil sare oo howlgab ah oo saxiixay warqad furan oo ay uga digayaan ka bixitaanka heshiis caalami ah oo loo adeegsado maamulka marinka Bosphorus ee istaraatiijiga ah.

10-ka admiral ee la xiray waxaa ka mid ahaa Cem Gurdeniz, oo badanaa lagu tilmaamo inuu yahay aabaha siyaasadda badda ee cusub ee uu muranka badan ka dhashay ee loo yaqaan "Blue Homeland".

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii dowladda Turkiga ay meelmarisay qorshayaasha Kanaalka Istanbul.