Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista
Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay
Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka
Iyo Hay'adda Duulista Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay waxay kaga doodeen
xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaar ka mid ah Hay’addaha dalka iyo arimo door
ah oo maalmihii u dambeeyay dalka ka dhacay sida gabadhii yarayd ee
gurigooda laga xaday, dadka jaaniibta ah ee macdanta sharcidarada ku gurta
oo ku soo badanaya Dalka iyo xadhkaha shirkaddaha laydh ee sida foosha
xun u daadsan Suuqyada Hargeysa ee Halista badan.
Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka
dayriyay xalaadaha ay ku sugan yihiin wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda
Jidadka iyo Hay’adda Duulista oo uu sheegay in xiitaa Hawaddii ay
maamulaysay ay la wareegtay Soomaaliya, Waxa uu soo jeediyay in
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka loo yeedho oo wax laga
waydiiya lacag 45-dollar ah oo uu sheegay inay isaga uun ku kooban tahay oo
uu iska maamusho, taasi oo laga qaado qof kasta oo dibada u dhoofaya.
Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Warqaddan yar
ee lagu dhoofo ee COVID-19-ka ee dadka dhoofaya la siiyo marka la baadho,
waxa laga qaadaa lacag baddan oo lagu sheegay illaa 45-doolar, taasi oo laga
qaado qof kasta oo dhoofaya , wali la inagama qancin, sababta lacagta intaasi
leeg loo qaado, Agaasime Xergeeye ayay arintaasi ku kooban tahay oo bal
inaan wax ka ogaano ayaa inoo muhiim ah, oo isagu ka jawaabo”.
Waxa kale oo uu yidhi "Hadaan u soo galo wasaaradda Wadooyinka,
wasaaradda Wadooyinku waa wasaaradda ugu liidata wasaaradaha, anigu
baryahan ma arag wax wanaagsan oo ay qabato, wadadaasi la wado ee
Berbera laga soo bilaabayna waxaa inoo samaysay Shirkadda Dp-World”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi "Wasaaradda Gaadiidka waxaa ku dhex jirta
Duulista, oo Hawaddiina waxaaba la wareegtay Muqdisho, Dawladda
Soomaaliya”.
Xildhibaan Indho Indho ayaa isna waxa uu fariin u diray Wasaaradda
Macdanta iyo tamarta, isagoo u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dadka
ajaaniibta ah ee ku soo badanaya dalka eeMacdanta sharcidarada dooxyada
dalka kaga gurta "Wasaaradda Macdanta waxaan leeyahay waxa indho-yar
magaalada yaacaysa waad aragteen, mid aan bir sidanin majiro, Dooxyadii
ayay marayaan, biro ayay sitaan, meel walba way marayaan, cid liisan
siinaysaa majirto, wadanka khayraadkiisa ayay macdantu ka mid tahay,
hadaynaan macdanteena ilaashanayn, mid waliba inta uu inoo soo galo ayuu
guran, qaarbaa suuqa badhtankiisa fadhiga, halkan sariflayaasha agtooda,
markaa waxay u baahan tahay dadkaasi ajinabiga ah ee macdanta guranaya
ee la dhoofaya illayn halkan ku iibin maayaan eh, taana in xukun adag laga
soo saaro”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Indho Indho.
Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista
Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladdaha Ay Ku Sugan Yihiin Wasaaradaha Wadooyinka, Caafimaadka Iyo Hay'adda Duulista