u hadlay Taliban ayaa sheegay in marinka Islam Qala ay "si buuxda gacantooda ugu jirto ".

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Taliban ay qabsadeen shan degmo oo ka tirsan Herat iyaga oo aan wax iska cabin ah la kulmin.

Moscow, oo martigalineysay ergo Taliban ah, ayaa sheegtay in kooxda ay hadda gacanta ku hayaan saddex meelood labo meel soohdinta ay la wadaagaan Tajikistan.

Khariirad

Ruushka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan.

Muuqaalo la baahiyay ayaa u muujinaya ciidamada Taalibaan oo calanka Afgaanistaan ka qaadaya saqafka sare xafiiska kastamka xadka.

Taliban ayaa si xawli ah dib ugula wareegeysa dhul badan oo Afghanistan ku yaalla, xilli Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalkaasi.

Saraakiisha Taliban ayaa sheegaya in dagaalyahanadooda ay la wareegeen 85% dhulka Afghanistan - balse ma jirto cid ka madaxbanaan oo sheegashadaai xaqiijin karta.

Qiyaaso kale ayaa muujinaya in dhulka ay ka taliso Taliban uu yahay in ka badan seddex meelood meel ka mid ah 400-ka degmo ee dalkaasi ka kooban yahay.

Ciidamada Mareykanka ayaa toddobaadkii hore ka baxay saldhigga Bagram oo ahaa saldhig muhiim u ahaa howlgalka Mareykanka ee Afqanistaan.

Magaalada Islam Qala waa mid ka mid ah magaalooyiin udub dhaxaadka u ah ganacsiga ee u dhaxeeya Afqanistaan Iran, iyada oo dakhliga bil walba u soo xarooda dowladda uu gaarayo $ 20m (£ 14m).