Ninka imaamka masaajidka soo noqday ee loo haysto in uu dhacay 60 gabdhood

0
Saturday July 10, 2021 - 10:06:31 in by salman abdi
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka imaamka masaajidka soo noqday ee loo haysto in uu dhacay 60 gabdhood

    Ninka imaamka masaajidka soo noqday ee loo haysto in uu dhacay 60 gabdhood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka imaamka masaajidka soo noqday ee loo haysto in uu dhacay 60 gabdhood

Cabdifitaax Cali Cumar ayaa dhowaan ka soo muuqday warbaahinta, waxaana loo haystaa kiiskiisa dhac ah oo hadal-hayn badan ka abuuray Soomaalida Baraha bulshada adeegsata.

Dad badan waxay dhacdada kiiskiisa la xiriirta ku tilmaameen mid la yaab leh.

Cabdifataax, oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la hor keegeeyay ayaa lagu soo eedeeyay dacwado la xiriira inuu dumarka xiriir Jacayl la sameynayay si uu u dhaco.

Wuxuu tilmaamay in arrimaha lagu soo eedeeyay qaar ka mid ah ay jiraan, kuwana ay "yihiin been abuur".

"Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo," Ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda Ciidamada.

Tirada dumarka ee dhibbanaha u ah eedaysanaha, ee booliska ay diiwaan geliyeen, waxay gaarayaan in ka badan 60.

Qaar ka mid ah dumarkaas ayaa ku sugnaa gudaha maxkamadda oo dhagaysanaysay dacwadaan.

Mid ka mid ah oo ka hadashay maxkamadda horteeda ayaa sheegtay in ay xitaa dambiilaha "ka codsatay inuu dilo xilli ay ka sheekaynaysay dhibaatada uu mariyay ninkan."

"Aad ayaan u qalqalay oo aan u cabsaday, waxaana xitaa ku iri idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay falcelin."

Mid ka mid ah haweenka ninkan ku eedeeyay in uu ka dhacay telefoon.

Mid ka mid ah haweenka ninkan ku eedeeyay in uu ka dhacay telefoon.

"Wuxuu iga qaatay laba teleefon, booliska ayaan wacay waxaana toban daqiiqa ka dib la ii sheegay in ninka la qabtay," Ayey tiri mid ah dumarka sheegay inuu ninkan afduubtay uuna ka dhacay teleefoon.

Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa sheegtay inuu faafidda diinta Islaamka uu ka gaaray heer uu noqdo Imaam masaajid uu hadana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida uu eedeysanaha u sheegay xeer ilaalinta.

Ninkan loo haysto dhaca telefoonnada waxaa lala soo qabtay nin kale oo ay isla socdeen oo la sheegay in ay dhaca isla fulinayeen.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Qoraalka sawirka,

Ninkan loo haysto dhaca telefoonnada waxaa lala soo qabtay nin kale oo ay isla socdeen oo la sheegay in ay dhaca isla fulinayeen.

"Qofka bini'aadamka ah qad ayuu dhaafaa, dhanka diinta mid ay celinayso maahan. Wuxuu gaaray heer uu khadiib noqdo, maantana uu dadka dhaco," ayuu yiri dacwad-oogaha.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha oo sidoo kale ku sugnaa Maxkamadda, ayaa codsaday in sharciga iyo cadaaladda la mariyo eedeysanaha.

"Ninkaas wuu i ceejiyay, taraxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay," Ayey tiri mid ka mid ah dhibanayaasha ku sugnaa maxkamadda.

Qareenkiisa wuxuu ku adkeysanayaan in Cabdifitaax uusan dhicin 65 telefoon, balse isaga uu qirtay 30.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Qoraalka sawirka,

Qareenkiisa wuxuu ku adkeysanayaan in Cabdifitaax uusan dhicin 65 telefoon, balse isaga uu qirtay 30.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in Cabdifitaax uusan dhicin tirada teleefoonnada lagu dacweeyay. Wuxuu Maxkamadda ka codsaday in xukunkiisa lagu salleeyo, keliya 30-ka telefoon ee uu qirtay in uu dhacay.

"Arrinta dhaca, eedaysanaha wuxuu ogolyahay 30 teleefoon inuu qaatay, ma jiraan 65 qof ee uu dhac u gaystay, sida ay xafiiska xeer ilaalinta sheegeen.

"Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in maadama uu ogolyahay 30 teleefoon, ay maxkamadda ku xukunto 30 kaaas oo keli ah," Ayuu qareenka u doodayay eedaysane Cabdifitaax.