Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen Midowga Afrika+Arimaha Uu Ku Saabsan.

0
Sunday July 18, 2021 - 14:32:25 in by salman abdi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen Midowga Afrika+Arimaha Uu Ku Saabsan.

    Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen Midowga Afrika+Arimaha Uu Ku Saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen Midowga Afrika+Arimaha Uu Ku Saabsan.
Dowladda Somaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay warbixinta kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay qabatay kulan wasiiro ah oo looga hadlayo warbixinta waxayna diiday bilowgaba talooyinka warbixinta, iyadoo soo saari doonta war rasmi ah oo loogasoo horjeedo arrintan.

Warbixintan oo ka kooban 35 bog, ayaa sharraxaysa xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen. Inkastoo midowga afrika aanu si rasmi ah u soo saarin warbixintan.

Waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareejiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah iyo in Soomaaliya la geeyo ciidamada Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ma ay sheegin sababta ay warbixintaasi ku diiday, inkastoo warbixinta lagu sheegay waxyaabo dowladdu dhibsatay oo ay kamid yihiin, sida in aanay jirin dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho.

Waxaa warbixintan lagusoo beegay iyadoo dowladda federalka Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay qaban qaabada doorashooyinka dib u dhaca uu ku yimid ee dhawaan heshiiska laga gaaray.