
BOOLISKA MAGAALADA BURCO OO SOO QABTAY BOQOL LITIR OO KHAMRI AH IYO RAGGII MAGAALADA SO GELINAYEY, MAXKAMADANA HOR KEENAY
Khamrigan iyo shaqsiyaadkii ka ganacsanaayey oo ahaa afar qof oo ay laba ka mid ahi ay ka fakadeen ciidanka booliska halka labadii hadhayna la horkeenay maxkamada degmada Burco halkaaso ay ku riday xukun halsano ah,waxaa kale oo ay labadii nin ee ka baxsaday Ciidanka lagu xukumay sadexsano(3 Sano)Oo Xadhiga Ah Iyo Sedex Milyanoo shilin Somaliland ah.
Taliayaha saldhiga dhexe ee Magaalada Burco Axmed Cawil cabdilahi (Ganay) Oo ka warbixiyey hawlgalka ay boolisku ku soo qabteen khamrigan ayaa waxa uu sheegay inay khamrigan ka war heleen ayadoo la soo dhaafiyey xuduudka lana doonaayey in la soo geliyo magaalada Burco, balse ay ciidanka boliiska ay ka hortageen isla markaana ay jid_gooyo ugu galeen degaanka waraabeeye oo Kaga beegan magaalada Burco dhanka koonfureed.
Taliyuhuhu waxa uu intaasi ku daray in ciidanka booliisku uu dagaal kula jiro maandooriyaasha lasoo galinaayo dalka isagoona uga digay dadka soo gelinaaya iyo cidda ku taakulaynaysa soo galintiisaba in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, Waxa kale oo uu sheegay in halgan aan kasoo noqosho lahayn ugu jiro ciidanku sidii uu dabar jari lahaa mukhaadaraadka.
Inkastoo uu khamrigu si qarsoodi ah kusoo galo magaalada Burco ayaa hadana ciidanka booliisku ku hawlan yihiin soo qabashada mukhaadaraadka ama maandooriyaasha.
Dhawar bilood ka hor ayay ahayd markii ciidanka booliiska Burco ay soo qabteen khamrigii ugu badnaa iyaga oo markasta ku daba jira sidii ay u xalin lahayeen ama ay u baabiin lahayeen mandooriyaha khamriga.
Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com
BOOLISKA MAGAALADA BURCO OO SOO QABTAY BOQOL LITIR OO KHAMRI AH IYO RAGGII MAGAALADA SO GELINAYEY, MAXKAMADANA HOR KEENAY
BOOLISKA MAGAALADA BURCO OO SOO QABTAY BOQOL LITIR OO KHAMRI AH IYO RAGGII MAGAALADA SO GELINAYEY, MAXKAMADANA HOR KEENAY