MA HAL KAA DEDAN BAA?", 1, 2, 3. Maxamuud Axmed Oday

0
Wednesday February 05, 2014 - 18:38:14 in by Super Admin
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA HAL KAA DEDAN BAA?", 1, 2, 3. Maxamuud Axmed Oday

    SC Dhammaan Mareegaha iyo Akhristeyaasha sharafta leh. Dad badan baa qofba si iigu soo fal-celiyay. Qaarkood waxay yidhaahdeen, waxaannu aragnay laba qaybood. Qaar kale waxay yidhaahdeen, qayb keliya ayaannu aragnay. Markaa waxaan jeclaystay Geeraark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SC Dhammaan Mareegaha iyo Akhristeyaasha sharafta leh. Dad badan baa qofba si iigu soo fal-celiyay. Qaarkood waxay yidhaahdeen, waxaannu aragnay laba qaybood. Qaar kale waxay yidhaahdeen, qayb keliya ayaannu aragnay. Markaa waxaan jeclaystay Geeraarkii oo dhammays-tiran inaan idiin soo celiyo. Waana mahadsan tihiin
1.Geeraar Waa Ku Ducayso
2.Ama Waa Iska Daa;
3.Ama waa Duulal Colloobiyo;
4.Digo Hoos Ka Caddaatoo;
5.Dadku Ruux Aanu Jeclaysani;
6.Uu Daboolka ka qaadiyo;
7.Dakkanooyin Is-jiidhay;
8.Dawadooda Ku Raadi;
9.Ama Waa Iska Daa;
10.Amase Waa Deeqa haweenoo;
11.Damac-guur iyo Caashaq;
12.Duunka Aad Ka jeclaatay;
13.Ammaanteeda Ku Daabac;
14.Ama waa Doolaalow faraskaagiyo;
15.Darmaantaada Ku Faani.
16.Ama Waa iska Daa ;
17.Afartaa Arar Daalacanoo;
18.Damiim uu Wax ku qaatoo;
19.Damiirka kiisa wanaagsanina;
20.Aanu Diidi Karayn iyo;
21.Diiwaan aan furay ii dhig;
22.Anigoon Kuba Daalinoo;
23.Daftar Aan ku Xariiqinoo;
24.Docogaysan Midhaa oo;
25.Beryo Aan Ducanninoo;
26.Xarfo aan Isla Doonan;
27.Aan Dareersho Warkaygee;
28.Afar kale Wayga Duruus;
29.Afarna Wayga Dareen;
30.Afarna Wayga Dan Guud;
31.Afar Wayga Duruuse;
32.Sahankaad Diratay iyo;
33.Hawirkaad Ku Dullaashiyo;
34.Axmedow[1]Reerka Dareeriyo;
35.Degaanta aad Ku Hayaantee;
36.Dabadeed Aad Ku Hungowday;
37.Inaanay Duugba Lahaynoo;
38.Dimuqraadiyadayntu;
39.Dugsiba aanay lahaynoo;
40.Dabkeediiba Bakhtiyayoo;
41.Dambaskeeduba seexdayoo;
42.Degelkeedi Abaadayoo
43.Dugaaggu uu ku Qadhaabtoo;
44.Dulliga Loogu Adeego;
45.Ma Hal Kaa dedanbaa?
46.Dulmigan aad ka xanaaqdiyo;
47.Dabataysiga Ceebtiyo;
48.Dumarkoo Ragga Jiidhiyo;
49.Gaaladoo La is Daba-taagaa;
50.Dimuqraadiyadayntiyo;
51.Doorashooyinkan Jaan iyo,
52.Dastuurkuu la socdaaye;
53.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
54.Dadka oo Kala Guuriyo;
55.Deriskoo Is-Collaystoo;
56.Dabka Aan Kala Qaadaniyo;
57.Dudmo oo Lagu Raagiyo;
58.Dubayow iyo Ciil iyo;
59.Gacal aan Is Deyayniyo;
60.Xigaal Aan Is Dawaysani;
61.Dimuqraadiyadayntiyo;
62.Doorashooyinkan Jaan iyo
63.Dastuurkuu la Socdaaye;
64.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
65.Ragga oo Darayooboo;
66.Damiirku uu ka Dhinto iyo;
67.Dumarkoo is Aroostiyo;
68.Ubadkoo Dayacmaa;
69.Dimuqraadiyadantiyo
70.Doorashooyinkan Jaan iyo
71.Dastuurkuu la Socdaaye;
72.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
73.Dadka oo Nabad Seexdoo;
74.Dabadeed nabad Toosoo
75.Darar Xoolaha Maaliyo;
76.Doogsin Rays Ka Arooriyo;
77.Cadligoo Dalka Gaadhiyo;
78.Duudsigoo La Illaawiyo;
79.Xumaan oo dhan La Duubaa;
80.Daliilkii Nebigeenniyo;
81.Diinteennay Ku jirtaaye;
82.Ma hal kaa Dedanbaa?
83.Afartaasi Wayga Duruus;
84.La Soco.
85.Afarna Wayga Dareene;
86.Dulmigaad Ka Xanaaqdiyo;
87.Dixdii Eelkaba keentay;
88.Axmedow Waad ka il-Duuftee;
89.Doonta Aynu ku Joognaa;
90.Dakhalkeedu Qalloocaayoo;
91.Diiraddeedii Hallawdayoo;
92.Dawladdaynu Dhisayniyo;
93.Dimuqraaddiyaddaa;
94.Dariiqiiba ka leexdayoo;
95.Dabayluu Ruxayaane;
96.Ileyn kaama Dednee;
97.Tixdaada maad ku Dartid?
98.Hal kale wayga Dareene
99.Daartaa Oogada cawlanee;
100.Duddumo Haadi ku Xaartiyo;
101.Digo Aboodi la moodiyo;
102.Odaygaa Dugsanaayiyo;
103.Kuwaa Uu Diranaayiyo;
104.Eeddadaa Dahabo;
105.Inta aanad Duqaynin;
106.Dastuurkan aad U Riyaaqdayee;
107.Dadkeennii is Nacsiiyee;
108.Duuduubka aad ku liqday;
109.Duqeennii Ooga Madoobiyo;
110.Kii Khurduum laga Doonee;
111.Ay isku Diinta ahaayeenbaa;
112.Sidii uu Daayin Abiid;
113.Dunida uu ku Negaan;
114.Dawaar uun ugu Gooyee;
115.Ileyn kaama Dednee;
116.Tixdaada maad ku Dartid?
117.Hal kale wayga Dareene
118.Soon-gurkaa Degdegaaya iyo;
119.Ilaa Dawriga Aarka iyo;
120.Dugaag oo dhan warkiisa;
121.Horaa La isugu Daastoo;
122.Dayo waa ta u Fiicanoo;
123.Midhkaa la iskuma Diidine;
124.Ilaamaa Toban Dayrood;
125.Dawacuun baad ku rarrayde;
126.Ma waxbaa kuu Daban Xaajiyoo?
127.Duur-xul bay kaa tahayoo;
128.Doc kalaad ku waddaayoo
129.Dubaaqooyin Horeetiyo;
130.Dakharro ay Dhigtaybaa;
131.Doogtoodii hurgumootoo;
132.Hoosta ay ka Dillaacday?
133.Hal kale wayga Dareene;
134.Mid aan Duunyo ahaynoo;
135.Duur-joogna Aan ku Aroorinoo;
136.Dad sawaaban la moodaa;
137.Waa Daayeerkii Wagareedoo;
138.Dalaahoodhsane Weyd ihi;
139.Dur-durkuu Ka cabbaayo;
140.Marka uu ka Dareero;
141.Inta uu Dib u jeestuu;
142.Dabadeed ku hunqaacaa;
143.Arligoo Dhan Diqeeyaa;
144.Berrina Waa Dalan-dooloo;
145.Darkiyo Goobtuu Dorraato;
146.Dabadiisa Ku Maydhuu;
147.Maatada Soo Dul-tubaayuu;
148.Mar labaad ka Dur-duurtaa;
149.Ileyn Kaama Dednee;
150.Tixdaada maad ku Dartid?
151.Dalaahoodhsane Weyd ihi;
152.Dalag aad loo Dhawrayoo;
153.Haramihii Laga Deebshoo;
154.Ood weyn lagu soo Deyray buu;
155.Guradaa kaga Daataayoo;
156.Gebigiisaba Diirtaayoo;
157.Duhurka uu ka fulaayoo;
158.Da’ yartiisiyo caydigu;
159.Kolka ay Dibbiraanna;
160.Cunuhuu ka Dig siiyaa;
161.Wixii ay Dal-daleen;
162.Marka ay soo Dallacaan;
163.Isaguunbaa Dib u quutoo;
164.Sidaa aan kaba Daaline;
165.Ileyn kaama Dednee;
166.Tixdaada maad ku Dartid?
167.Mise waadan Danaynoo;
168.Adigoo Deel U Higaadshaad;
169.Haddana Daal u Waddaayo;
170.Dantaaduun baa ku shiddoo;
171.Wadaantaad Darsanaysee;
172.In Laguu Yara Diiday;
173.Adigu Aad Ku Dacwootay baa;
174.Dabuubtaadu u Jeedday?
175.Afartaasina wayga Dareen;
176.Afarna Wayga DAN GUUD;
177.Afarna Wayga DANGUUDE;
178.Axmedow Duud Kayn ah;
179.Dusha Ruuxa ka Eegee;
180.Daaqsin Geel ka Hilaadshaa;
181.Dugulkeeda madoobi;
182.Derrin aan La Marayn iyo;
183.Derbibay Ula muuqane;
184.Haddiise uu ku Durkoo;
185.Dacalkeeda is taago;
186.Dalalawsin Bannaaniyo;
187.Dal-dalool buu Arkayaa;
188.Haddii Aanu Is Diidsiin;
189.Damalna wuu Arkayaaye;
190.Dudduntaynu dhisaynana;
191.Adigaa Daar u maleeyee;
192.Derged baa Ka Wanaagsane;
193.Dalbo hayska Lahaatee;
194.Waryaadha mays Dugsannaa?
195.Hal kale wayga DANGUUDE;
196.Dayra-dhaafka Nugaaleed;
197.Laba ruux oo Debad seexday
198.Doc baa Kood-ba Bannaanoo;
199.Dhaxantu ay Ka Daf-leedehee;
200.Waryaadha Mays Dugsannaa?
201.Hal kale Wayga DAN GUUDE;
202.Ninka Daalo ku Joogiyo;
203.Darar-weyniyo Eexiyo;
204.Darantii Sin-carro iyo;
205.Dalsankeeda Wiriir iyo;
206.Daba-buurdhaab iyo dhooddi;
207.Derrintii War-idaad iyo;
208.Dididbkii Ceel-dhaabiyo
209.Dulla-gaalliyo Cayniyo;
210.Dixdaa Weynee Qoryaaliyo;
211.Daad-madheedh iyo Xaaxi;
212.Duuddaa Buurta Gudban iyo;
213.Dooxadaa Gubanka iyo;
214.Baddoo Soo dabarta;
215.Madal-weyn iyo Daadhi iyo;
216.Dameero-boob iyo Qooddiga;
217.Iyo Duriyoo ka Saraysa;
218.Dadkii Eebbe ku Uumay
219.Markii Laysu Dilaayey;
220.Ama Layska Dilaayey;
221.Ama Laysku Diraayey;
222.Dorraatuunbay Ahaydoo;
223.Dawlad Taam ihi Yeelkeede;
224.Dakharadii Baa weli Muuqdoo;
225.Jeer-ba aan la Dawayne;
226.Haddayse Maanta is Diiddo;
227.Ama ay kala Doosho;
228.Dulin aanad Filayniyo;
229.Doolli bay Dhalaysaayoo;
230.Dib inay u Heshiisiyo;
231.Dawadeedaa lagu Raagiye;
232.Waryaadha Mays Dugsannaa?
233.Doc baan kaa Tusayaaye;
234.Iyadaan isku Duulinoo;
235.Deeble-Geel Kala Qaadin;
236.Dhiigna aan iska Daadin;
237.Demeshna aan kala Boobin;
238.Haddii Dawladda Hoosiyo;
239.Dumarku ay kol Murmaan;
240.Ama lays yar Danqaabo;
241.Dahabshiil Baa lagu Yaacaa;
242.Shiid Dam-taa laga saaraa;
243.Daaqadaa laga Goostaa;
244.Bal maxaa lagu Doortayee;
245.Dadba looga Astaystay?
246.Hal kale Wayga DANGUUDE;
247.Duhurkii ka Riyoodiyo;
248.Kuwaa aad Dalbanaysiyo;