Mucaaridka Manta Ka Jira S/Land miyu u qalmaa Wadanka Inuu Hogaamiyo W/Q Eng: Mohamoud Abdilahi(Xiis)

0
Saturday November 15, 2014 - 18:23:20 in by salman abdi
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridka Manta Ka Jira S/Land miyu u qalmaa Wadanka Inuu Hogaamiyo W/Q Eng: Mohamoud Abdilahi(Xiis)

    Allaha ina abuuray waxa uu ina siiyay caqli aanu wax ku kala garano,waana ilaahay mahadii,SWT. Hadaba sidaaad la wada socotaan xukuumada maanta ka jirta s/land ee hogaamiyo Axmed maxamed maxamuud siiranyo, waa xukuumada kaliya ee intii s/land jirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha ina abuuray waxa uu ina siiyay caqli aanu wax ku kala garano,waana ilaahay mahadii,SWT. Hadaba sidaaad la wada socotaan xukuumada maanta ka jirta s/land ee hogaamiyo Axmed maxamed maxamuud siiranyo, waa xukuumada kaliya ee intii s/land jirtay ku talaabsatay horumar lataaban karo

sidaad la wada socotaan s/land waxa soo maamulay 3 xukuumadood oo tan ka horeeyay xukuumadba heer ayay soo gaadhsiisay,hadaba waxa is waydiin leh mucaaridka jiraa xukuumadan hadii uu badalo halkaa makii sii 
qaadi karaa mise dib ayuu usoo taraarixi ?

hadaba laba mucaarid ee ka jira s/land maanta waa ucid iyo wadani.
aanu soo qaadano xisbiga mucaaridka ah ee ucid waxa musharaxa madaxweyne u sharaxanaqoonyahan Jamaal ali xuseenhadii kuba guulaysto doorashada soo socota xisbiga ucid oo uu talada qabto Jamaal cali siduu ayuu umaamuli karaa wadankan?

Jamaalruntii waa aqoonyahan cilmi badan leh lkn aragtidayda sida uu haatan wax u maamulosiiraanyomarnaba kuma soo dhowanaayo waayosiiraanyowaa nin waayeel ah oo wax fahsan taas ayaana maanta wadanka ku maamulaa . sidaa awgeed xisbiga ucid wadanaka inuu hogaamiyo uma qalmo.

hadii aanu eegno xaga xisbiga wadanina waxa madaxtinimada usharaxancirro,inkasto oo uu yahay dublamaasi hadana wadanka inuu hogaamiyo ma uqalmaa? aniga xagaygamayawaayo maba laha aqoon uu wadankan ku hogaamiyo.sidaa si la mid ahna xisbiga wadana laguma aamino karo inuu wadanka hogaamiyo.


Hadaba waxa is waydiin leh doorashada soo socota ee madaxweynaha2015 Malaga guulaysankaraa xisbiga kulmiye ee haatan talada haya ?
xagayga waxaaan qabaa mayasababtoo ah xisbiga kulmiya waxa uu kazoo baxay waxii loo igmaday5tii sano ee hore.

sidoo kale waxa iswaydiin leh xisbiyada mucaaridku ma guulaysan karaa?mayama guulaysan karaa kii rumaysan inay guulaysan karaan cadhuuftaada dib iliq ,intii aan s/land ku noolaa walgay maan arag mucaarid ka caajis badan



guntii iyo gabo gabadii maxaa ka dhamin mucaaridkan?
mucaaridkan haatan jira waxa ka dhiman waxyaabo badan waxaana ka mid ah
1.lama iman barmaamijyo cadaan ah oo ay wadanka ku hogaaminayaan
2. markaliya arki maysid iyagoo xukuumada dhaliilaya waxaabad u haystaa muxaafid huuba sii darnaado wadani ka la yidhaaye
3. waa inay sxbdhow la noqdaan saxaafada madaxabanaan taasna waxa hore usameeyay xisbiga kulmiye waana tii ku guulaytay
4.dhalinyaradii oo ay iloobeenwaa inxisbiga talooyinkooda laga qayb dhigaa dhalinyarada waa hadii aad doonayso inaad guulaysto.


qalinkii
eng:mohamoud abdilaahi (xiis)

********************************************************

Afkashacabka.com kama masuul aha aragtida bulshada ee waxa keliya ee ay dhiirigelinaysa xorriyada hadalka iyo is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga, qormadana waxa masuliyadeeda leh qoraaga ku qoran.