Xisbiyada Mucaaradku Maxay Ummada U sidaan??? WQ: Cali Cumar Xasan

0
Saturday November 15, 2014 - 18:30:04 in by salman abdi
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradku Maxay Ummada U sidaan??? WQ: Cali Cumar Xasan

    Xisbiga Kulmiye markii uu mucaaridka ahaa ee uu u loolamayay kursiga waxa uu sameeyay balan-qaadyo badan oo uu kuraadinayay taageerayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye markii uu mucaaridka ahaa ee uu u loolamayay kursiga waxa uu sameeyay balan-qaadyo badan oo uu kuraadinayay taageerayaal.
Dadku, iyaga ooaaminsan inAxmed Siilaanyo yahay shakhsigii dalku uu u baahnaa xiligaa inuu marxaladii adkayd ee lagu jiray ka saaro ayaysi balaadhan ugu biireen Xisbiga Kulmiye. Waxa ay niyada ku hayeen Shacabku inAxmed Siilaanyo uu si dhakhso leh wax uga qaban doono dhaqaalaha,siyaasada iyo arimaha bulshada oo uukeeni doono talooyin hufan oo hore loogu dhaqaaqi karo! Lagama abaal-dhaco oo dadka lama hafro-e markii xisbiga Kulmiye guulaystay ee mudane Axmed Siilaanyo-na madaxayne noqday, waxa uu dhisay xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan dadaqoon balaadhan ku galadan.

Kooxdaa uu M/Weyne Axmed Siilaanyo xilka u igmadaywaxa ay kolkiiba guntiga u gaabsadeen kana shanqadhiyeenwax ka-qabadkahawlahii qaranka ee hor-yaalay oo iskugu jiray qaar cusub iyo kuwo hore oo qabyo ahaa, oo ay ka dhaxleen xukuumadii iyaga ka horaysay (Daahir Riyaale).Waxa la dajiyay qorshayaal waawayn oo xiliga dhaw iyo ka fog-ba leh oo heer Tuulo, Degmo, Gobol Iyo Qaran-baku sar-go'anoo qaar badan oo ka mid ah haatan lagabalib keenay oo ay fuleen!Qodobada ay xukuumada Axmed Siilaanyo ku guulaysatay ilaa haatan waxa ka mid ah kuwan hoosta ku taxan;

b;Dhaqaalihiidalkaee markiiXisbiga Kulmiyetalada la wareegayCasaanka ku jirayoo si degdeg ah u soo kabtay xawli sarena kobociisu wali ku socdo.

t; Siyaasada dibada oo xasaag yar gashay, oo inta dib habaaska looga afuufay loo jeexay xariiqyo cusub oo xiisahooda leh oo ay ka mid yihiin in la hor-fadhiisto lalana hadlo dalka Soomaaliya ee aan ka go'nay,arintaasoo duruufo badan oojiray awgood aanintii hore ee ay soo jirta J.Somaliland suurto-galin.

j; Lacagtii Giimbaarta ahayd ee magaalada Burco laga isticmaali jiray oo runtii bar madow ku ahayd jiritaanka qaranka Somaliland oodadkii laga bedelay.

X; Idaacad wayn oo dabooshay baahidii balaadhnayd ee loo qabay wararka iyo wacaashaoolagu badhaadhay oo radio Hargaysa laga dhex-qotomiyay.

kh. Mushaharkii shaqaalaha oo laba-jeer laab loo kordhiyay iyo waliba dugsiyadawax-barashada ee hoose, dhexe iyo sare oo bilaash dadka looga dhigay.

d; Ciidamada kala duwan ee ay leedahay J.Somaliland oo markii ugu horaysay Darajooyinloo xidhay, kuwaasoomaantaba ku mushahar qaadanaya oo isku maamulaya oo ku shaqaynaya.

r; Wadooyin iskaa wax -qabso ah oodhismahooda wadanka oo dhan gees-ka-gees laga wadooo ay dawladu ku dhiirisaydadkeeda inaywax wada-qabsadaan.

S; iyo qaar kale oo badan...........

Hadaba, waxa mudan inaan is-waydiino, waar bal Kulmiye waan aragnay waxa uu yahay oo balamo badan oo uu qaadayna waaba uu fuliyay-eqolyahan mucaaradka ah ee Guulka Ooman Kursiga ugu jiraa maxaa ay umadda ka iibinayaan ee ay la shir imanayaan? waa maxaybaylahda ay iyaguna fooga-tirayaanee ay rabaan inaan ku doorono si ay Kursiga ufuulaan?

F.G; Anigu xisbina ma taageero, sidaa darteed malahaygu waa dhex-dhexaad.

"Ha Jirto  J.Somaliland OoHa Joogto Waligeed"

Cali Cumar Xasan

********************************************************

Afkashacabka.com kama masuul aha aragtida bulshada ee waxa keliya ee ay dhiirigelinaysa xorriyada hadalka iyo is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga, qormadana waxa masuliyadeeda leh qoraaga ku qoran.