Warbixin: David de Gea Oo Ay U Badan Tahay Inuu Garoomada Ka Maqnaado Mudo….

0
Sunday November 16, 2014 - 21:50:30 in by Burco Office
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: David de Gea Oo Ay U Badan Tahay Inuu Garoomada Ka Maqnaado Mudo….

    Goolhayaha kowaad ee kooxda Man United ayaa kasoo kabanaayo dhaawac jab ah oo kasoo gaara farta xili uu ku guda jiray tababarka xulka Spain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhayaha kowaad ee kooxda Man United ayaa kasoo kabanaayo dhaawac jab ah oo kasoo gaara farta xili uu ku guda jiray tababarka xulka Spain.


24-jirkan ayaa haatan dib ugu soo laabtay garoonka Old Trafford halkaas oo lagu dabiibayo dhaawaciisa waxaana soo ifbaxday warbixin sheegeyso inuu garoomada ka maqnaan doono mudo 4-todobaad ah.

David de Gea ayaa ku jiray xiligiisii ugu wanaagsanaa wuxuuna xili cayaareedkan laf dhabar u ahaa daafaca Man United madaama uu kusoo baxay libaax aan kubada la dhaafsiin karin.

Weliba kulamo badan oo Premiership-ka England ka tirsan ayuu sameeyay bandhig aad u sareeyo balse haatan waxaa la filaa inuusan kooxdiisa u safan doonin mudo bil ah.

Hadaba warkan ma farxad galin doonto macalin Van Gaal oo horey ay madax xanuun ugu dileen xidigaha faraha badan ee kooxdiisa dhaawaca kaga maqnaayeen.

contact@afkashacabka.com