SIYAASIYOW SHACABKA HAKU TUMAN, HANA NOQONINA ISU JAWAABE EE NOQDA ISU DULQAATA WQ: Madaxweynaha Mustaqbalka

0
Monday November 17, 2014 - 17:34:32 in by salman abdi
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASIYOW SHACABKA HAKU TUMAN, HANA NOQONINA ISU JAWAABE EE NOQDA ISU DULQAATA WQ: Madaxweynaha Mustaqbalka

    Sidaynu ogsoonahay dalkan waxuu soo maray marxalado farabadan, maanta waxuu u baahanyahay halkuu higsanayo cid gaarsiisa ee uma baahna isu jawaabayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu ogsoonahay dalkan waxuu soo maray marxalado farabadan, maanta waxuu u baahanyahay halkuu higsanayo cid gaarsiisa ee uma baahna isu jawaabayaal.

Waynu aragnaa malin walba mudaharaadka dhaca inay shacabka ku waxyeeloobaan haday tahay dhimasho iyo dhaawacba, shacabka uma baahna balaaye huriye ee waxuu ubaahan yahay wanaaga u horseede.

Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay rabshadihii dhacay oo aan leeyahay ehelkii iyo qarabadii dadkaa ay kasoo jeedeen samir iyo imaan ilaahay ha inaga siiyo, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ilaahay hasiiyo.

Waxaan halkan ka bogaadinayaa golaha guurtida oo qayb wayn ka qaadatay daminta khilaafkii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee u dhaxeeyay golaha wakiilada, waxaanan leeyahay guurtida noqda kuwii helo xalka kama dambaysta ee golaha uu kaga bixi karo khilaafkan soo noqnoqday.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan leeyahay shacabka aynu nabad galyadeena ilaashano gacmahana is qabsano.

Asxaabtana waxaan leeyahay war dalka aynu uturno cadowgeenana yaynaan ka farxin ee aynu ka nixino, oo ay tahay wanageenay ka naxaane wangaaga aynu badino,

Waxaan kusoo gaba gabaynayaa yaysan soo noqon xaaladii cakirnayd ee ina soo martay.


Maxamed Cismaan Xaaji

Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland

Burco / Somalilan