Qaran Iyo Qabiil Wada Socda By: Ibnu Hamud

0
Monday November 17, 2014 - 17:38:07 in by salman abdi
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaran Iyo Qabiil Wada Socda By: Ibnu Hamud

    Waxa maalmahan danbe xoog inoogu soo badanaya qabyaalada oo aad moodo inay iminka ooga soo jabsatay taas oo noqotay hubka ugu dhegaha fudud ee dadka lagu kicin karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalmahan danbe xoog inoogu soo badanaya qabyaalada oo aad moodo inay iminka ooga soo jabsatay taas oo noqotay hubka ugu dhegaha fudud ee dadka lagu kicin karo.

Adeegsiga qabyaalada ayaa wuxuu keenay in aan loo aabe yeelin bulshada rayidka ah oo siyaasi waliba intii uu dadka horumar iyo waxa wada qabsi kala hadli lahaa uu ku bogaadinayo inay dhiiri galiyaan qabyaalada iyo qabiilka taasina waata keentay in maalin walba dad rayid ah oo lasoo khalday ku dhintaan rabshado aan wax dan ahi ugu jirn, bulshada rayidka ah ee lagula dhex jiro qabyaalada iyo qudhunka waxaan leeyahay runtii maanta may ahayn ama laynagama filayn inanaynu qaranka iyo qabiilka sino ama qabiilku ka awood waynaado qaranka.

Bulsho waay horumar ku gaadhaa kuna tanaadaa marka baahida shakhsiga laga hor mariyo baahida bulshada, taas oo aan ku xidhnayn eex iyo qaraabo kiil, bulsho waxay horumar ku gaadhaa markay ka tashadaan wixii makhaalufo darro ah ee ku soo kordha, bulsho waxay horumar ku gaadhaa maraky booga heeda dhayato noqotana dad iskaashada oo is ixtiraama, laakiin hadii bulshadii walaalaha ahayd uu siyaasigu marba siduu doono uu ugu tunto waxay keenaysaa bur bur iyo is nacayb dhanka bulshada ah taasna maanta cid dheefi ugu jirtaa ma jirto.

Qabyaaladi maanta waxba inooma soo sido, oo waad arkaysaan siday Somalia u gashay qabyaalada iyo qabiilku, inagu reer Somaliland waxaynu ku nabad iyo caano maalnay wada tashiga iyo isu tanaasulka, markaas beryahan danbe oo ay soo bateen saxaafadu waxa sii kordhay is nacaybka bulshada taas oo aan odhan karo waxay ka timid dhanka suxifigan meel walba ku waraysanaya ee mar xalad walba ka waraysana siyaasiga dawakhsan ee aan bulshada iyo qaranka midna utudhayn, uma jeedo cid gaara lkn markaag guud ahaan eego sida aynu maanta nahay dhinac walbana aad ka eego Dhanka dawlada iyo dhanka asxaabta qarankaba, waxad arkaysaa in siyaasi waliba hadalkiisu uu ka madhan yahay ixtiraam waxaad arkaysaa siyaasiyinta idilkoodba mucaarad iyo muxaafadka oo ku wada hadlaya ama media-yaha isu marinaya hadalno ka fog anshaxa wanaagsan, hadaladaas oo nacayb mooyaane ee keenayn wax kale.

Markaas siyaasadan guracan ee beryahan dabne aan caadaysanay hadaynaan wax ka bedelin wax badan ayaa inaga xumanaya waayo hadaladan aadka u foosha xun ee dadka lagula dhex jiraa waa kuwo dhaawacaya wada jirka uma Somaliland.

Waxan si gaara uga codsanaya bulsho waynta reer Somaliland in aanay dheg jalac u siin af xumoyinka iyo deelqaafka uga imanaya dhanka siyaasiyiintan layliga ah ee aan waxba xeerinayn, waxaanan leeyahay mucaarad iyo muxaafidba looqada lagu wada hadlayo hala bedolo oo si asluubaysan oo ixtiraam ku jiro halloo wada hadlo, hadalada xanafta leh ee saxaafada laysu marinayo hala joogo oo halkii hadal xanaf lihi kaa tegi lahaa hadal macaan oo dhegaha bulshada u roon kagaa yimaado.

Qolada saxaafada waxaan leeyahay qaranka inaga ayaa leh, maanta ma jiro qof gaar looga sheeganayo Somaliland oo dhamaanten Somaliland ayaynu nahay ee aan dalka ilaashano wixii inagu fool xun qaran ahaan aan hoos u dhamayno adigoo danta kuugu jirta ka horumarinaya danta qaranka ugu jirta, oo maaha inaad siyaasada dalka ku milantaan, saxaafadu waa in ay dhex dhexaad ka noqota arimaha siyaasada ee dalka ka jira lkn iminka waxaad arkaysaa kaliya in warbaahin Somaliland ay tahay oo kaliya Mucaarada fogaaday iyo Muxaafad fogaaday, oo aanad sooba heli Karin meel aad ka hesho war dhex dhexaad ah, runtii arinkaasina dhamaanteenba waa inagu nusqaan.

Waxaan leeyahay qolada saxaafada sharafta qaranka iyo tan bulshada hala ilaaliyo oo halagu dalaadalo siidii dadkna sii kala durkaya loo walaalayn lahaa, ooh ala sameeyo barnaamijyo wax ku ool ah oo dadka lagaga wacyi galinayo dhibaatooyinka iyo qulqulatooyinka siyaasadeed,

Waxaan ku adkaynayaa saxaafada madaxa banaan ee Somaliland oo aan mahad naq gaara u jeedinayo haku milmina siyaasada dalka ee dhex dhexaad ka noqda oo iftiimaya gol daloolooyinka idinkoon cid gaara dhinaca saarayn, iminka sidan wax u socdaan si maaha runtii , saxafadu is bedel ha sayso oo ha dhiiri galiso is dhex galka bulashada.




Waad Mahadsan Tihiin



Allaa Mahad Leh


By- Mohamed Hamud Ali

Burao – Somaliland

Hamudson@Gmail.Com