ha dhammayso dugsiga "sheeko gaaban"W/Q: Ismaaciil C/qaadir Ismaaciil ​" Maslax"

0
Tuesday November 18, 2014 - 16:11:28 in by Burco Office
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    ha dhammayso dugsiga "sheeko gaaban"W/Q: Ismaaciil C/qaadir Ismaaciil ​" Maslax"

    Hadda ayay qoraxdu soo baxday, oo fallaadheheeda casuusta leh ee ay labada buurood dhexdooda kasoo tuurtay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadda ayay qoraxdu soo baxday, oo fallaadheheeda casuusta leh ee ay labada buurood dhexdooda kasoo tuurtay,

waxaad moodaysaa waran uu nin shiishyahani tura, oo yool uu la rabay la helay. Roobkii xalay magaalada mirayay ayaa xareediisii gal iyo goof walba buuxiyay, oo wali iliiladihii biyihii kamay dhammaan oo way sunsumayaan. Geedaha hoostooda waxa daadsan ubaxii ay dhibicda roobku soo daadisay oo aad mooddo in meesha Suldaan lagu caleemo saaray. Shinbiraha ciyaya ee geedaha ku taagan iyo kuwa xasharaadka roobku watay baacsanaya ayaa ku farxad galinaya. Shaqo ayaan u kallahayay oo shandad Ayaan sitaa, waxaa meel saddex tallaabo ii jirta iliilad yar oo biyo socdaan ka tallaabaysa gabadh buugaag iyo labis dugsi xidhan, oo aad u degdegaysa. Inta ay marayihii xaydatay ayay biyahii si taxadar leh isaga banbaanisay intii aanay ka dhammaan biyaha ayay ishaydu ku dhacday kubkeeda si deg deg ayaan ugasoo celiyay, oo inta aan shaydaanka iska naaray ayaan dhinacyada eegay, oo markii aan xaqiiqsaday inaanay cidina arkayn baan is idhi bal ku celi mise wayba tallawday. Kollay eegmadaasi tii shaydaan ayay ahayd balse eegmada labaad aniga ayaa yeelan lahaaye waabay galbatay. Si degdeg ah ayaan anna u soo tallaabay, oo inantii raad-qaaday oo tallaabada hoosta ka xaday, caday aan afka ku hayayna si dhuumasho leh u galiyay jeebka. Markii aan in cabbaara socday gabadhii ii jirto waxaan dhammayn dhawr tallaabo waxaa goolad kaga soo baxday mid dheer oo habaar qabtaa oo ay isku dugsi ahaayeen, markii ayaa anna qalbiguu igu hor dhacay oo erayadaan isku geeyay kala baaheen oo aan habaar ula dhaqaaqay taa dheer ee iskasoo baxdadaa.


Maalintii labaad ayaan soo istaagay halkii isla iliiladdii ay biyuhu marayeen oo aan maanta lagu ogayn biyo, laakiinse dhulku waa dibbirsan yahay, oo xareeddii habeen hore ayaa dhulka kasii qoyan. Aad ayaan maanta diyaar ugu ahay wax kasta oo dhacaya kadis ama u kasba ha ahaadaane. Maaha shalaydii aan shandadda wayn xambaarsanaa ee aan habrnayay, maanta miciyo aar ayaan soo listay, oo marka aan sidaa u arko inanta ayaan hadal ku billaabayaa, haddii tii dherayd meel igagasoo boodana waan la dagaalamayaa, maxaayeelay ma iyadaanu rabnaa maxaa na daba dhigay. Wixii labis dugsi xidhan iyada Ayaan ka dhex jeedaalinayaa oo wajigeedii markay tallaabaysay ay dadbaysay ayaan garanayaa. Muddo markii aan taagnaa waxaa meel dukaan ah kasoo baxday inantii, hadda maaha tii dheerayd ee sida malakul mawdka lay daba dhigay, waa inantii iliiladan aan dul taagananahay ka tallaabaysay shalay xilligan xilligiisii. Markii ay sidaa ishaydu ugu dhacay ayaan shaadhka giijistay, kabahana hoos u eegay markii aan xaqiiqsaday inuu shaadhkuna ii giijisan yahay, kabuhuna baalashaysan yihiiin ayaan haddana galay fikir dheer oo aan kaga doodayo hadalladii aan kula jalbeebi lahaa. Intii aan ku mashquulsanaa ayaabay isoo gaadhay, inta aan candhuuf dib u liqay ayaan dhoolla caddeeyay, inaan la hadlo isla markiiba waxa kusoo dhacay Aleen (mobile) inta ay eegtay ayay ka jawaabtay. Mise waxayba ahayd tii dheerayd. HAA tii dheerayd ee inkaarta qabtay oo halkii shalay ay igagasoo baxday ayay ku sugaysay. Ilaahay ballankii inaan unuunka jari.

Waar illayn ibtiladu taad moodo maaha! Bal waa maalinkii labaad ayay i kala dhantaashay kadeedantadaasi. Shalay kadis bay ahayde laakiin maanta kas bay ahayd. ilaahay idankii waxaan ka barayayaa inaad barrito xanuunsato, oo aad soo kici kari waydo.

Maalinkii saddexaad ayaan hor istaagay dukaankii ay shalay kasoo baxday. Markii aan waxoogaa taagnaa ayaa waxaa wadadii iliilada tagaysay ee xagga dukaanka kasoo baxday inantii oo aan maanta balcaddii dugsiga xidhnayn, horta markii hore waan garan waayay laakiin markii ay i dhaaftay ayaan sii jeedkeeda gartay. Si taxadar leh ayaan uga soo daba dhaqaaqay oo u raad guray. Markii ay iliilada cagtii kooowaad saartay ayaa sidii qorshahaygu ahaa billaabay salaan uu hadal daba yaal.Inay hadalkii maqashay iyo in kale mooyaane iimay soo jaleecin. Haddana mar labaad ayaan xididada is kiciyay oo aan ka daba dhawaaqay. Immika way soo jeesatay, sidii geed dabayli lulayso is dadabtay oo i tidhi "Yaah miyaad ila hadashay” alla duulka haweenihi maneeno iyo makekis badanaa, hadda markii horeba way i maqlaysay ee mooyaan waxay iila hadli wayday, immikana waxay I leedahay "Miyaad ila hadashay”. "Haa” neef la socoto ayaan ugu war celiyay. Inta aan ka hor jeestay oo indhaha indhaha u saaray oo ka khajilsiiyay oo wixii kashayda fadhiyay u bandhigay waxa uu ahaaba ayaanan walibana dhididin. Inkasta oo ay i tidhi waan kula qaaday, laakiin waxay daba dhigtay arrin dhiilo leh waxay I tidhi " Maanta waxaa noo soo gabagaboobaya imtixaankii sannad dugsiyeedka ee waa inooyo kulankeena labaad oo ku beegan marka dugsiga dib loo furo”. Inta aan dib uga faagtay ayaan indhahana caddeeyay dhulkuna ila wareegay oo naftayda kula shawray malaa tii dheerayd ayaa hawshada wax ka ogaatay, oo sidan kula talisay. Afartaba dab laga saartaa yaa iga qabsada. "Bal waayahay ee waa inoo iyo markaas” ayaan ku sagootiyay.

Balllantu ama ha dheeraato ama ha dhawaatee waan sugayay walibana si niyadsami ku dheehan tahay, inksata oo aan ka jeclaa inay soo dhawaato, haddana dantaada iyo madaxaaga midtoona lagama boodo. Ballantii dheerayd kadib waxaa la gaadhay xilligii ballantu ku ekayd, oo ahayd ku noqoshadii dugsiga. Billaahi calayk inaan maanta bartii iliilada istaago miyaanay ahayn?. Maanta ayay ballantu ahayd ana waan taaganahay bartii hadda waa iliiladii. Bartaa bar alle ayaan ku sugayaa ballantana iyadaa ii qabatay, fulinteedana waan uga fadhiyaa. Abuur iyo ajalba allaa lehe, waxaa wadadii dukaanka kasoo baxday Sacda oo baraad la’, inta aan diyaar garoobay ayaa markii ay hortayda maraysay bariido la boobay, oo halkaa iyo dhinacay u socotay ula dhaqaaqay. Si fiican oo aan is idhi waabay ku raadinaysay ayay iiga qaaday. Geed wayn oo sogsoga ayaan hoos istaagnay oo isku waraysanay oo ballan suganna ku kala qaadanay. Waa inoo caawa iyo dukaankaa laba af lahaa dhabarkiisa haynoo ahaato ayaanu ku kala tagnay.Sidaasaan ku dhaqaaqay aniga oo farxad la foodhyaya.

Habeen sabti ah ayay ahayd oo dhulku waa gudcur maagan gooyaa haddi indaha faraha lagaa galinayo ma arkaysid. Halkiii balllantu ahayd ayaan taaganahay waliba waan kasoo hor dhacay oo waxaan is idhi intaasoo ay iyaduba kasoo hor dhacdaa, oo ay ku waydaa. waan ogahay in ay dhib kala kulmayso soo bixitaankeeda. In badan ayaan taagnaa dhawr jeer ayaan iftiinka dukaanka tagay si aan Saacad aan xidhnaa ugusoo eego. Markii ugu danabaysay ee aan kasoo laabtay iyaduna waxay kasoo baxday Albaabkii Dukaanka ee dhinaca galbeed eegayay. Markii hore waxaan moodayay dadkii wadada iska marayay laakin markii ay xagayga soo abbbaartay ayaan xaqiiqsaday inay tahay Sacda. wer werkii iyo walbahaarkii intii aan Caawa taagnaa I haystay ayaa iga duulay, sidii shimbiro geed laga didiyay, farxad aanan ku tashanna waan farxay.Waan soo booday oo barriidadii kaga horeeyay walibana tallaabo hore u qaaday. Halkii ayaan haasaawe ka bilawnay oo habeenkii oodhan aanaan afka isku darin. Inkasta oo kulankayagu gaabnaa sidaasuu xiiise ku lahaaye way iga tagtay oo is macasalaamanay.

Kulankayagii koowaad si bilaa turxaan ah ayuu ku dhacay dhawr jeer, oo danbana waanu kulanay. Kuwa danbana waanu kulmi doonnaa illaa aanu heshiis guur guri isugu iman doonno. Jacayl waa fara ku hayne habeenka ay iga maqan tahay waan tabaa iyaduna ima moogaanee way ii hilawdaa. Laba iksu wacan ayaanu nahay. Inta ay dugsigaa gabagabaynayso ayaaba ka hadhay inaanu aqal wada yeelanno, oo nin iyo xaaskii isku noqono.


W/Q: Ismaaciil C/qaadir Ismaaciil ​” Maslax”