Xasaasi: Kooxaha Chelsea, Man United Iyo Arsenal Oo £40m Ku Baadi Goobayaan Saxiixa Laacibka Loogu Magac Daray Neymar-ka Cusub

0
Wednesday November 19, 2014 - 09:41:10 in by Burco Office
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasaasi: Kooxaha Chelsea, Man United Iyo Arsenal Oo £40m Ku Baadi Goobayaan Saxiixa Laacibka Loogu Magac Daray Neymar-ka Cusub

    Weeraryahanka naadiga Santon Gabriel Barbosaoo haatan lagu tilmaamay inuu yahay xidiga ugu soo jiidashada badan dalka Brazil ayaa dalabyo aad u sareeyo ka helay sedex ka mid ah kooxaha ugu awooda badan Premeirship-ka England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka naadiga Santon Gabriel Barbosaoo haatan lagu tilmaamay inuu yahay xidiga ugu soo jiidashada badan dalka Brazil ayaa dalabyo aad u sareeyo ka helay sedex ka mid ah kooxaha ugu awooda badan Premeirship-ka England.


gabriel-barbosa-536934


Gabriel Barbosa oo haatan ku magac dheer Neymar-ka cusub ayaa la sheegay inay kooxaha Chelsea, Man United iyo Arsenal ku doonayaan aduun lacageed oo gaarayo £40m.

Xidigan qandaraaska uu kooxda Santos kula jiro waxaa ka harsan mudo 18-bilood ah sidoo kalena waxaa laga soo xigtay inuu doonayo ka cayaarista qaarada Yurub balse weli kooxdiisa Santos ma aysan ka hadlin dalabyada ay usoo gudbiyeen sedexda naadi ee reer England.

Xidigan ka tirsan xulka Brazil ee da’doodaka hooseyso 20-sano ayaa u saftay kooxdiis Santos 37-kulan asigoo u dhaliyay 9-gool sidoo kalena wuxuu leeyahay farsamo aad u sareyso taasi oo ku qasabtay saxaafada dalka Brazil inay ugu magac daraan Neymar-ka cusub.

18-jirkan sidoo kalena dhawaanahan waxaa qaab cayaareedkiisa dabagal ku sameeyeen kooxaha Barcelona iyo Wolfsburg waxaana muuqato in inta badan kooxaha Yurub ugu caansan ay isha ku hayaan hormarka uu sameynayo xidigan dhalinta yar.

contact@afkashacabka.com