Hogaamiye Kastaa Waxa uu Horumariyaa Waxa uu Aaminsanyahay WQ:Cabdilaahi Gadhle

0
Wednesday November 19, 2014 - 15:13:15 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Kastaa Waxa uu Horumariyaa Waxa uu Aaminsanyahay WQ:Cabdilaahi Gadhle

    Waxaa jira wax Alle (swt) uu ku abuuray damciga bila aadamaha kasoo subxaana watacaale Alaha wayni u qaabeeyey si kala duwan sida uu xigmadiisa inoogu tusaaleeyey wajiyada makhluuqu sida uu u kala gadisan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira wax Alle (swt) uu ku abuuray damciga bila aadamaha kasoo subxaana watacaale Alaha wayni u qaabeeyey si kala duwan sida uu xigmadiisa inoogu tusaaleeyey wajiyada makhluuqu sida uu u kala gadisan yahay.

Tusaale ahaan tira lagu ma soo koobi karo bila aadamka ku nool aduunyada korkeeda markaad waliba ka timaado makhluuqa kale, hadana akhriste bal waxaad u fiirsataa sida aanu qofna qofka kale u shabahin ama ugu eekayn, taasina waa xikmad kuu sahlaysa inaad ka dhex dheehato aragtida Alaha wayn.

Waxaa taas kuu baal socda in bila-aadam kasta hadana la galiyey dabeecad gaara oo uu kaga gadisan yahay ka kale, taasina waa ta keentay in lagu kala aragti duwanaado geedi socodka nolosha ee aduunka korkiisa, waana ta keentay in shucuubta caalamku dan moodan waxa loo yaqaan (wada-tashiga) ku dhisan maxaay kula tahay kuna soo gabagabowdo maxaa loo badan yahay.

Hadaan hoos u daadago oo aan ku soo dhawaado ujeedadayda ay xambarsan tahay qormadani, bal aan is waydiino su’aal ku saabsan caalamkan aynu kuwada nool nahay dadyowga kala diirka diinta,dhaqanka iyo cimilada duwan ee Alle kuwada abuuray aduunyada iyo sida ay u kala horeeyaan.

Maxaay aduunyadu u noqotay wax u qaybsama laba, ku tiirsanaadee iyo lagu tiirsanaade?

Dawladaa horumaray sida reer galbeedka oo kale waxaa caado iyo dhaqan u ah in had iyo jeer ay hogaamiye u doortaan hadba xaalada ay ku jiraan kii ka saari lahaa, haday tahay xaalad dhaqaale xumo, dagaalo, tartan dhinaca dhaqaalaha ah iwm.

Markaay taasi tahay halbeega ay ku horumareen dadyowga aduunyada korkeeda ku takri fala hada, bal kusoo dhawoowo inagu doorkee ayeynu ku leenahay baratanka caalamka haday tahay kuwii gaadhay horumarka sare, kuwa hiigsanaaya iyo kuwa baraarugayba.

Hadaan wax ka tilmaamo dalka aan u dhashay ee aan ku noolahay wakhtigan xaadirka ah ee Jamhuuriyada Somaliland, bal aan yara xasuusano halku-dhagii qormada ee ku suntana (Hogaamiye Kastaa waxa u Horu-mariya waxaa uu aminsan yahay) sidaa daraadeed bal aan yara milicsano dhaqankii hogaamiyeyaashii kala aragtida iyo ujeedada duwanaa raadkii ay kaga tageen iyo waxii horumariyeen mudo xileedkoodii.

Tirada hogaamiyeyaashii soo maray somaliland

1.Mujaahid C/raxmaan Axmed Cali (Tuur)

2.Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

3.Mudane Daahir Riyaale Kaahin

4.Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Muxuu mid kastaa horumariyey maxaase lagu xasuusan karaa?

Bal aan ku horeeyo mujaahidkii waynaa madaxweynaheenii ugu horeeyey Alle naxariistiisii jano hawgu deeqe Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Mujaahidku waxaa uu xilaal badan oo kala duwan ka soo qabtay oo ku taxaluqsan dhinaca dublamaasiyada xukumadii somaliya gaar ahaan wakhtigii Maxamed Siyaad Bare, waxaa uu ahaa hogaamiye haybad ku lahaa dhinaca dublamaasiyada waxna layskaga tiring jiray, waxaa uu ahaa shakhsi had iyo jeer guul ka keena halka uu u tafa xayto ,waxaana gaar loogu xasuusan karaa wakhtigii dagaaladii somaliya iyo itoobiya u dhaxeeyey, dadaaladii guulaha waaweyn lahaa ee uu ka gaystay dhinaca siyaasada caalamiga ah.

Wa,aayihii SNM waxaa uu xil-laal laf-dhabar ah ka soo qabtay dhaqdhaqaaqii wadaniga Somaliyeed xiliyadii u danbeeyey gudoomiyihii ururka SNM ka hor waxa uu ahaa markasta maskaxda ka danbaysay halgankii hubaysanaa cidi doontaba hogaanka sare ha joogtee.

Hadaan ku soo dhawaado qalin laguma soo koobi karo taariikhda mujaahidka Alle haw naxariiste, gudoomiyaha ururka SNM xilkii uga horeeyey waxaa uu ahaa xoghayaha arimaha dibada isla wakhtigaas dhinaca Siyaad Bare waxaay ku ahayd waa,a gaduudan oo u baryey marka uu dib u mililicay sida halista ah ee uu u yaqaanay mujaahidka, isla wiigag yar ka dibna waxaa uu ka naafeeyey maamulkii Siyaad Bare xaga siyaasada dibada taasina waa tii u sahashay inuu noqdo gudoomihii ururka SNM, isla wakhtigaas oo uu noqday dayax habeen madaw oo gudcura u badalay cado, waayo isla markii loo doortay gudoomiyaha ururka SNM mudo lix bilood ah gudhaheed ayuu ku soo celiyey jamhuuriyadii Somaliland gacantii SNM.

Hadaba maxaa caqabad ku noqday muhaahidka mudadii uu waday halganka?

Markaan leeyahay halgan, kuma soo koobaayo halganka kii ay wadeenn xaqu diririkii SNM ee waxaa ka mida ila hada kan aynu wadno ee dadaladiisii u danbeeyey aynu ku jirno maanta oo ay taariikhdu tahay 2014.

Nimca waliba nusqaan leh ee mujaahidka waxaa caqabad ku noqday oo nafeeyey hogaamintiisii qaaliga ahayd dhaqdhaqaaqii SNM oo iska hor iyo dabajeestay taasoo ay cadaw wayn ay ku noqotay qaabkii loo maamuli jiray mujaahidiintii safka hore kaga jirtay dagaalka, inkastoo wakhitaas ay saraakiisha SNM ku odhanayso waxaanu dan moodnay ayaa cadaw nagu noqday taasoo ahayd in mujaahidiintii SNM loo maamuli jiray guutooyinkoodii kala duwana qaab beelaysan, ka dibna iyadoo qaabkii loo qaybsan yahay laysla soo galay wadanka.

La Soco.............



W/Q;’ Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)