Nabad Ninkiii ana Haysan Baa Garta, Caafimaadka Ninkii Aaan Qabin baa Dareesan:- Qaybti 2 –AAD By Eng- Mahbuub

0
Wednesday November 19, 2014 - 18:29:01 in by salman abdi
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabad Ninkiii ana Haysan Baa Garta, Caafimaadka Ninkii Aaan Qabin baa Dareesan:- Qaybti 2 –AAD By Eng- Mahbuub

    Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo

Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay Sida ay Bulshadeenu isku dhinacyaacay caqligoodiina uga madhanyahay isu tanaasulkii iyo wada hadaladii ugana dhiiranayaaa Mudaharaado iyo Dhiiga Masaa kiinta oo La qubo.                                                                                     18/11/214__

Aragtidaydani maahan mid cid gaar ah ku Foolan ama farta ku fiiqaysa Balse waa Fikir Aqooneed oo aan Jecelahay in aan Bulshadda Reer somaliland ku Dareensiiyo Waxa ay Haystaan ee La raba in ay Adkeestaan iyo Waxa aanay Haysan ee La rabo inay Raadsadaaa

Waxaan hadalkaygaaas ugala jeedaa Maanta somaliland Caafimaad iyo Banad bay haystaa ugu na faantaa dalalkeeda kale ee la deriska ah, inagiina ma dareen sanin nimcadaas ialahay inagu manaystay, oo mar kastoo arin yar oo siyaasad ahi  dhacda ba waxa aad maqlaysaaa ama aad arkysaa intaas oo qof baa dhimatay intaas oo qof baa dhaawac matay. taasna waxaan u leeyahay anigu shlay waxaad wada aragteeen Sida ay Noqotay xaalada Dalkeena in ay aad u qasantahay noqotayna mid u eeg sida Tan Xamar ka Jirto oo kale oo Dadkii Jicilsaan oo dhami Farta wadnaha ku hayeen ilahayna Ka Baryayeen in uu inaga Qaboojiyo oo aanu dib inoogu celin rafaadkii iyo silicii Dagaal uu leeyahay ee ay bulshadda Reer somalinad horey usoo mareen.

Mid waxaan leeyahay Dhalinta da-yarta ah ee Reer Somaliland




Midna waxaan leeyahay Siyaasiyiinta 

Midna waxaan Leeyahay Goloha Baarlamaanka.

Midna Waxaan Leeyahay DOWLADDA

Midna waxaan leeyahay Beesha Caalamka

Maqaalkii Kan Ka Horeeyay waxaan aan Fariintaydda u gudbiyay Dhalinyardda reer Somalilland.

Balse Qoraalkayga Maanta waxa aan kula Hadlayaa oo Rabaa in aan Kalmad idhaahdo Siyaasiyiinta Reer Somaliland Meel Kasta oo ay Joogaa iyo Xisbi kasta oo ay wataaan.

Mid Baan leeyahay marka hore waar Siyaasi hortu ma is waydiisay Siyaasadu waa maxay ?

Siyaasadu waa in Bulhsadaadu kugu Faraxdo, siyaasadu waa in bulshadaadu Caafimaad kahesho siyaasadu waa in bulshadaadu Horumar ka hesho, siyaasadu waa in bulshadaadu Shaqao abuur ka hesho.

Ee Siyaasadaadu maahan in bulshadaada Dhimasho aad usoo Jiidid.

Taas waxaan u leeyahay Waad la wada Socotaan dhamaantiin Siyaasiyiin ahaan dalkeena hada mar xalada uu marayo ee ah mar xaladda adag, taasna waxa inoogu wacan waxa weeyaan Siyaasi ahaaan adinkoo meel iska dhgay nidaamki ahaa in wax alaala wixii la isku afgaran waayo lagu dhamaysto wada Hadal iyo isku tanaaasul,

Caado n aka dhigtay in aad maalin kasta isku marisaan Warbaahinta Ereyo aan Dadnimada iyo Diintaba ku jirin Mid kastaana is leeyahay Bal Shacad ku Support gareeya ku helel.

Balse taageero in aad marba Tv soo fadhiisano oo bartaas ereyo qabyaaldesan xukuumad ahaan iyo Mucaarad ahaanba kasoo jeedidaas inooma haboona. Ee waxaa inooo haboon in dadkeena iyo dalkeena aynu ka wadda wacyi gelino Nabada iyo nimcdda aynu haysano in loogu mahad naqo.

Mid na waxaan leeyahy siyaasi mucaarad ahow ama muxuufad adeer dalkan waan la hubaan qof siyaaso ah oo hada siyaasadda ku jiraan in aanay waxba kaga gubanayn oo aanay waxba dhulka ka oolin cida ay ka yaalana ay tahay dhalinta hadda soo kacaysa.

Adiga siyaasi ahaan ahdii ubadkaagu nolol wacan ku nool yihiin oo Dibaddaha ku joogaan, adna aad haysatid baasaboor ajinabi ah ogow taasi talka wadi mayso.

Ee waxaa wadaysa in dalkan aad sacrifice u samaysid oo aad naftaada iyo maalkagaba ad ku bixisid in aad bulshada wax u qabatid agoonta caawisid iyo umadda jilicsan.

Looma baahna in dadka aad xabad la dhacno ama dadka ku guubaabino in ay rabshaddo abuuraan,

Ee fadlan siyaasi bal dib iskugu noqo oo qiimee marka hore Qiimaha siyaasadda hufan ee Dalkeena hour marinaysa .



LASOCO QAYBA 3-AAD

Waad Mahadsantihiin

QALINKII :-   Eng  Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com         

Tell: 0634331708/0659309754              

Burao Somaliland

https://www.facebook.com/MrBura0