AC Milan Oo Ku Talo Jirto Inay Lasoo Saxiixato Weeraryanka Sampadoria Stefano Okaka

0
Thursday November 20, 2014 - 14:35:25 in by Burco Office
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AC Milan Oo Ku Talo Jirto Inay Lasoo Saxiixato Weeraryanka Sampadoria Stefano Okaka

    Kooxda AC Milan aya bilaawday qorshe ay ku dooneyso inay kula soo wareegto weeraryahanka awooda badan ee naadiga Sampadoria ka tirsanStefanoOkaka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC Milan aya bilaawday qorshe ay ku dooneyso inay kula soo wareegto weeraryahanka awooda badan ee naadiga Sampadoria ka tirsanStefanoOkaka.



Xidigan ayaa soo jiitay indhaha caalamka madaama uu todobaadkan goolkiisii ugu horeeyay xulka Italy u dhaliyay kulankii saaxiibtinimo oo ay Italy 1-0 kaga badiyeen xulka Albania.

Haatan AC Milan ayaa u aragto in laacibkan asal ahaan Nigeria kasoo jeedo uu awood dheeraad ah kuso kordhin karo hadii ay bisha Janaayo lasoo saxiixato.

Wargeska Corrieo delo Sport ayaa sheegay in Milan ay dhigeeda Sampadoria ku wareejin doontoGiampaoloPazzini si ay kaga hesho Okaka.

Okaka ilaa haatan 2-gool ayuu Sampadoria u dhaliyay Serie A-da sidoo kalena hal kubad ayuu dhiibay halka Pazzini uu Milan u saftay 69-daqiiqo oo qura xili cayaareedkan.

Balse Pazzini waqti aad u wanaagsan ayuu horey Sampadoria ula soo qaatay asigoo ka tirsanaa mudo 2-sano iyo bar wuxuuna xiligaas u dhaliyay 36-gool asigoo u saftay 75-kulan sidaa darteed diyaar ayuu u yahay inuu dib ugu laabto Sampadoria.

contact@afkashacabka.com