Weriye Cabdirisaaq Silver Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Gaalkacyo.
Waxaana aaskaasi weriye Silver kasoo qayb galay madaxda gobolka Mudug,kuwa degmada Gaalkacyo,saraakiisha ciidamada Booliska,bahda Saxaafada iyo dad weyne kale oo tiro badan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilkaasi loo geystay Cabdirisaaq Silver,isaga oo sheegay in laamaha dembi baadhistu ay ku raad joogaan dadkii dilkaasi geystay.
Burhan Axmed Daahir oo ah guddoomiyihii hore ee ururka MAP ayaa sheegay in aanay weriyeyaashi ka daali doonin shaqada culus ee ay u hayaan bulshada,isaga oo sheegay inuu farintaasi hawada u marinaayo dadka caadaystay dilka saxafiyiinta.
Dawlad goboleedka Puntland ayaa cambaaraysay dilka weriyahaasi ,iyada oo tacsi u dirtay eheladii iyo bahda saxaafada ee uu ka baxay,waxa iyaguna sidoo kale cambaareeyey dilkaasi ururka saxafiyiinta Puntland iyo ururka Suxufiyiinta Somaliya ee NUSOJ.
Cabdirisaaq Silver ayaa kamid ahaa weriyeyaasha ka hawlgala magaalada Gaalkacyo,isaga oo halkaasi uga soo warami jiray Telefishanka HCTV,waxaanay xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay kooxo dablay ah oo aan la garanayn,iyada oo aanay jirin ilaa hadda cid loo qabtay dilkaasi.
Contact@afkashacabka.com
Weriye Cabdirisaaq Silver Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Gaalkacyo.
waxa maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay Alle Ha U Naxariistee Weriye Cabdirisaaq Cali Silver oo xalay dablay hubaysan oo aan la garanayni ku dileen magaalada Gaalkacyo ee dalkaasi Somaliya.