Hordhac: Man City v Swansea – Pellegrini Oo Doonaya Inuu Wax Ka Bedelo Nasiibka Kooxdiisa.

0
Saturday November 22, 2014 - 09:55:24 in by salman abdi
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man City v Swansea – Pellegrini Oo Doonaya Inuu Wax Ka Bedelo Nasiibka Kooxdiisa.

    Kulanka: Man City v Swansea Garoonka:Etihad Staidum Waqtiga:6pm Saacada Geeska Afrika (SGA) Manchester City ayaa rajeyneysa in fasaxii ciyaaraha caalamiga uu u keeno nasiib madaama ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man City v Swansea Garoonka:Etihad Staidum Waqtiga:6pm Saacada Geeska Afrika (SGA) Manchester City ayaa rajeyneysa in fasaxii ciyaaraha caalamiga uu u keeno nasiib madaama ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.




Kooxda heysata horyaalka ayaan u dhaweyn halkii ay iska filayeen. Waxa ay badiyeen kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan, waxaana ay taasi ku noqotay lama filaan, inkastoo ay rajeynayaan inay dhiirogelin u noqoto galabta.

15 dhibcood oo Premier League ah oo ay ka helaan 27dii dhibcood ee ugu danbeysay ma ahan wax sidaas u xun, laakiin kooxda ay horyaalka kula tartamayaan ayaa ka heshay 23 dhibcood isla waqtigaas. City ayaana u baahan inay hesho qaab ciyaareed joogta ah si ay isha ugu hayaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Chelsea.

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa taam ah ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka ka hor waqtigii la filayay inuu ka soo kabsanayo dhaawicii ka soo gaaray kubka.

Eliaquim Mangala ayaa isna ka soo kabsaday jug yar oo soo gaaray, laakiin Edin Dzeko iyo Aleksandar Kolarov ayaa labadoodaba la filayaa inay dhaawac ku maqnaadaan ilaa iyo bisha danbe.

Swansea ayaa rajeyneysa inay dib u helaan Nathan Dyer iyo Wayne Routledge ka dib dhaawacyo ay ku maqnaayeen, halka daafaca Federico Fernandez uu ku seegayo dhibaato dhaawac oo kubka ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-2-3-1):Joe Hart; Sagna, Kompany, Demichelis, Clichy; Toure, Fernandinho; Navas, Nasri, Milner; Aguero.

Swansea (4-2-3-1):Fabianski; Taylor, Williams, Bartley, Rangel; Shelvey, Ki; Montero, Sigurdsson, Routledge; Bony.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa wada badisay dhamaan seddexdii kulan ee ay Etihad Stadium kula ciyaareen Swansea ee horyaalka Premier League iyadoo aan wax gool ah laga dhalinin.
  • Guusha kaliya ee ay Swansea ku gaartay garoonka Manchester City kulan horyaalka ah waxa ay aheyd 1951dii markaasoo 2-1 ay ku badiyeen.


contact@afkashacabka.com