Hordhac: Chelsea v West Brom – Blues Oo Hamineysay Inay Sii Dheereysato Hogaanka Horyaalka.

0
Saturday November 22, 2014 - 10:01:49 in by salman abdi
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v West Brom – Blues Oo Hamineysay Inay Sii Dheereysato Hogaanka Horyaalka.

    Chelsea ayaa laga filan karaa inay sii xajisato hogaankeeda horyaalka madaama ay heysato koox awood badan oo ku adag garoonkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa laga filan karaa inay sii xajisato hogaankeeda horyaalka madaama ay heysato koox awood badan oo ku adag garoonkooda.



West-Bromwich-WBA-vs-Chelsea-Liga-Inggris-2014


Taasna waa fekrad ay dadka intiisa badana aamini karaan laakiin kulankaan oo kale xilli ciyaareedkii hore marka laga fiiriyo si sahlan kuma dhihi kartida ereyadaas.

Sannad iyo waxoogaa yar ka hor, Albion ayaa ilbiriqsiyo u jirtay inay guusheedii ugu horeysay muddo 30 sanadood ah ku gaarto garoonka Chelsea, ka dib garsoore Andre Marriner ayaa rigoore u dhigay kooxdii martida loo aha, taasoo haddii taageerayaasha Baggies la soo xusuusiyo ay mar kale ka dhigeyso kuwa careysan.

Sidaasi darteed West Brom waa ay ku dhawaatay inay guushaas gaarto November sannadkii hore, laakiin sida sannadkan ay Chelsea tahay waxaa dhici karta inaysan noqonin xaalada sidii sannadkii hore.

MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga Chelsea Andre Schurrle ayaa taam ah inkastoo ay dhawaan xumad qabatay, halka weeraryahan Diego Costa uu si buuxda uga soo kabsaday dhibaatadii muruqa iyo gumaarka ka heysatay. Cesc Fabregas ayaa sidoo kale awoodi doona inuu ciyaaro inkastoo dhaawaca muruqa ah uu qabay, laakiin Nathan Ake ayaa dhaawac sidaas la mid ah la maqan.

Craig Gardner ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto shaxda West Brom ka dib ganaax uu ku maqnaa.

Jonas Olsson iyo Sebastien Pocognoli ayay u badan tahay inay dhaawac ku maqnaanayaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Fabregas, Matic, Willian, Oscar, Hazard; Costa.

West Brom (4-2-3-1):Foster; Davidson, Lescott, Dawson, Wisdom; Marrison, Gardner; Brunt, Sessegnon, Dorrans; Berahino.

MA OGTAHAY?

  • West Brom ayaa soo gabagabeysay sagaal guuldarro oo isku xigta oo ku soo gaartay Stamford Bridge markii ay barbaro 2-2 la galeen. Chelsea ayaa barbareysay daqiiqadii ugu danbeysay ka dib rigoore muran ku jiro oo loo dhigay.
  • Guushii ugu danbeysay ee ay Albion ku gaarto horyaalka guriga Chelsea waxa ay aheyd 3-1 bishii September 1978dii.

Contact@afkashacabka.com