Hordhac: Maxaa Kala Qabsan Doona Maanta Kooxaha Arsenal Iyo Manchester United?

0
Saturday November 22, 2014 - 10:07:13 in by salman abdi
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Maxaa Kala Qabsan Doona Maanta Kooxaha Arsenal Iyo Manchester United?

    Inkastoo kulanka Arsenal iyo Man United uu san xiiso u laheyn sidii uu berri ahaan jiray, hadana waxaa weli laga filanayaa kulan xamaasad badan oo ay labada kooxoodba ku doonayaan inay ku hagaajiyaan xilli ciyaareedkooda oo ay qaab hooseeya ku bilowd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo kulanka Arsenal iyo Man United uu san xiiso u laheyn sidii uu berri ahaan jiray, hadana waxaa weli laga filanayaa kulan xamaasad badan oo ay labada kooxoodba ku doonayaan inay ku hagaajiyaan xilli ciyaareedkooda oo ay qaab hooseeya ku bilowdeen xilli ciyaareedkan.



ArsenalvsManUtd


Indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedaan Danny Welbeck oo ka horimaan doona kooxdiisa hore ee Man United markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka tagay bishii September.

Welbeck ayaa dhaliyay tan iyo markaas 10 gool uu u saxiixay kooxdiisa iyo wadankiisa, laakiin dhaawac ayaa macquul ah inuu u diido inuu ka horyimaado Red Devils markiisii ugu horeysay.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud ayaa ka soo kabsaday lugtii ka jabtay weliba bil ka hor waqtigii la filayay inuu soo laabto, waxaana uu diyaar u yahay inuu maanta wajaho Manchester United.

Mikel Arteta ayaa isna ka soo laabtay dhaawacii muruqa ahaa laakiin Danny Welbeck ayaa shaki ku jiraa halka Theo Walcott uu ku seegayo dhaawac gumaarka ah.

Daley Blind ayaa ku biiray liiska dheer ee dhaawacyada Manchester United, halka Radamel Falcao uu dib u dhac ku yimid soo kabsashadiisa.

Luke Shaw iyo Michael Carrick ayaa ku soo dhaawacmay intii ay ku maqnaayeen England laakiin waa ay ciyaari karaan.

Angel di Maria iyo David de Gea ayaa la filayaa inay ciyaaraan inkastoo ay dhaawacyo cagta iyo farta ah ku soo gaareen kulamadii heerka caalami.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1):Szczesny; Chambers, Mertesacker, Monreal, Gibbs; Arteta, Wilshere; Chamberlain, Sanchez, Cazorla; Welbeck.

Man Unired (4-2-3-1):De Gea; Shaw, McNair, Smalling, Valencia; Herrera, Carrick; Di Maria, Rooney, Januzaj; Van Persie.

SHANTII KULAN EE UGU DANBEYSAY EMIRATES:

Janaayo 2010 -Arsenal 1-3 Man United

May 2011 -Arsenal 1-0 Man United

Janaayo 2012 -Arsenal 1-2 Man United

April 2013 -Arsenal 1-1 Man United

Febraayo 2014 -Arsenal 0-0 Man United

MA OGTAHAY?

  • Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 14kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Arsenal tartamada oo dhan, waxa ay badiyeen mudadaas 10 kulan halka seddexda kulan kale ay barbaro galeen.
  • Labada kooxood ayaa kulmay 219 kulan tartamada oo dhan. Man United ayaa badisay 92 kulan halka Arsenal ay badisay 79 kulan, waxaana ay barbaro galeen 48 kulan.
  • Iska horimaadkooda horyaalka kaliya Arsenal waxa ay badisay 67 kulan, Man United waxa ay badisay 79 kulan halka ay barbaro galeen 44 kulan.
  • Arsenal ayaa 20 guuldarro oo Premier League ah ay ka soo gaartay Man United, waana kooxdii ugu badneyd ee ay guuldarro kala kulmaan Premier League.
contact@afkashacabka.com