Manuel Pellegrini Oo Cadeeyay In Kompany Iyo Lampard Ay Taam Yihiin Kulanka Manchester City Ay La Ciyaari Doonto Swansea City

0
Saturday November 22, 2014 - 10:15:44 in by salman abdi
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manuel Pellegrini Oo Cadeeyay In Kompany Iyo Lampard Ay Taam Yihiin Kulanka Manchester City Ay La Ciyaari Doonto Swansea City

    Tababaraha kooxda Man City ee Manuel Pellegrini ayaa cadeeyay in kabtanka kooxdiisa ee Vincent Kompany iyo Franck Lampard inay diyaar u yihiin kulanka ay City la ciyaari doonto kooxda Swansea City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Man City ee Manuel Pellegrini ayaa cadeeyay in kabtanka kooxdiisa ee Vincent Kompany iyo Franck Lampard inay diyaar u yihiin kulanka ay City la ciyaari doonto kooxda Swansea City.



Pellegrini


Kompany ayaa seegay kulankii ay City barbaraha la soo gadhay kooxda QPR wuxuuna Pellegrini oo ka hadlayaa yidhi: "Vincent Kompany wuxuu dareemayaa dhibaato yar laakiin kulanka Swansea City diyaar ayuu u yahay”.

Lampard oo kulankii QPR waqti danbe soo galay ayuu sidoo kale Pellegrini cadeeyay inuu taam u yahay kulankan balse wuxuu intaa raaciyay in David Silva, Edin Dzeko iyo Aleksandar Kolarov ay dhamaantood maqnaan doonaan.Kompany and Lapard

Man City ayaa xiliyadii ugu danbeeyay ku jirtay qaab ciyaareed aan fiicnayn wuxuna Pellegrini oo arintaa ka hadlayaa yidhi: "Waxaan rajaynayaa inaanu ku soo laaban doono qaab ciyaareedkii caadiga ahaa. Swansea waa koox xirfadeedu aad u sarayso, waxaananu ka rajaynaynaa kulankeeda inuu noqon doono mid aad u adag”.

Pellegrini ayaa ugu danbayn ka hadlay Yaya Toure iyo waliba inuu xulka qarankiisa Ivory Coast u soo baxay koobka qaramada Afrika wuxuuna yidhi: "Yaya Toure aad ayay muhiim ugu ahayd in xulka qarankiisu u soo baxo koobka qaramada Afrika,aniguna aad ayaan isaga ugu faraxsanahay. Dabcan bisha January waanu waayi doonaa ToureLaakiin waxaanu bisha December go’aasan doonaa qaabka aanu booskiisa u sii buuxun lahayn”

contact@afkashacabka.com