Khubadarada Sadaalisa Horyaalada Yurub Oo Chelsea U Sadaaliyay Hanashada EPL Xili Cayaareedkan

0
Saturday November 22, 2014 - 10:31:27 in by salman abdi
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubadarada Sadaalisa Horyaalada Yurub Oo Chelsea U Sadaaliyay Hanashada EPL Xili Cayaareedkan

    Inkastoo horyaalka England 11-kulan oo la ciyaaray hadana khuburada ku xeel dheer saadalinta horyaalada Yurub ayaa isku raaceen in xili cayaareedkan kooxda Chelsea ay si awood ku dheehan ku qaadi doonto Premiership-ka England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo horyaalka England 11-kulan oo la ciyaaray hadana khuburada ku xeel dheer saadalinta horyaalada Yurub ayaa isku raaceen in xili cayaareedkan kooxda Chelsea ay si awood ku dheehan ku qaadi doonto Premiership-ka England.




 


Chelsea


Kooxda macalin Jose Mourinho uu hogaamiyo xili ciyaareedkan marnaba dhinaceeda dhulka lama dhigin EPL sidoo kalena waxa u suura gashay Blues inaysan wax guuldaro ah kala kulmin kooxaha ugu awooda roon EPL.

Sidaa darteed waxaa la isku raacay in xili cayaareedkan horyaalka England uu noqon doono hal faras oo ka orod dheeran doonto dhamaan fardaha kale.

Weliba quburadan ayaa aaminsan inay dhici doonin sidii xili cayaareedkii hore oo lagu kala baxay EPL kulankii ugu dambeeyay waayo kooxaha awooda roon sida Man City, Arsenal, Man United iyo Liverpool haatan iskuma toosno.

Midaasna waxa faa’iido u tahay Chelsea oo haatan dhibco badan ka sareyso 4-naadi waxaana la sadaalinaa in bisha December hadii Chelsea ay ka gudubto ayadoo qaab cayaareekeeda wanaagsan yahay inay horyaalka England xili hore la caraabi doont.

Hadaba aqriste ma isleedahay sadaashada u xaglineyso Chelsea sanadkan waa mid sax ah mise isbadal la yaab leh ayaa dhici doono dhamaadka xili cayaareedkan!

contact@afkashacabka.com