Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Maraykanka Oo Sheegay In Wadahadalada Nuclearka Iran In Lagu Kala Fogyahay

0
Sunday November 23, 2014 - 14:59:58 in by Burco Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Maraykanka Oo Sheegay In Wadahadalada Nuclearka Iran In Lagu Kala Fogyahay

    Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maryakanka John Kerry ayaa sheegay, sida uu hadalka u dhigay, in uu jiro kala fogaansho weyn oo u dhexeeya dalka Iran iyo quwadaha dunidda, iyada oo uu soo dhawaanayo xiligii loo ballansanaa in heshiis laga gaadho barnaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maryakanka John Kerry ayaa sheegay, sida uu hadalka u dhigay, in uu jiro kala fogaansho weyn oo u dhexeeya dalka Iran iyo quwadaha dunidda, iyada oo uu soo dhawaanayo xiligii loo ballansanaa in heshiis laga gaadho barnaamijka Nuclearka ee dalkaasi Iran.


Kerry ayaa hadalkan Sabtidii shalay ka sheegay magaalada Vienna, ka hor kulan uu la yeelanayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, kaas oo sheegay in wadahaladu ay gaadheen, waxa uu ku sheegay, saacaddii runta ahayd.

Steinmeier ayaa sheegay in su’aasha weyni ay tahay in Iran ay diyaar u tahay inay soo afjarto cilmibaaristeeda la xidhiidha sidii ay ku heli lahayd hubka nuclearka ah.

Kerry waxa sidoo kale maalintii labaad oo xidhiidha ah la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Jawaad Thariif si uu iskugu dayo inuu isku soo dhaweeyo kala duwanaanshaha wadahadalada la xidhiidha.

 

Ilo ku dhow waftiga Iran ayaa hay’adda wararka ee Faransiiska ee AFP u sheegay in kala fogaanshuhu uu wali weyn yahay.


contact@afkashacabka.com