Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

0
Sunday November 23, 2014 - 15:26:46 in by Burco Office
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

    Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida dacaladeeda ka joogtaan, waxaan idiin soo gudbineynaa sida caadada aheydba wararkii ugu waa weynaa ee maanta lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida dacaladeeda ka joogtaan, waxaan idiin soo gudbineynaa sida caadada aheydba wararkii ugu waa weynaa ee maanta lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa Ingariiska.


Manchester United ayaa heshiis la gaartay Bayern Munich oo ah in xiddiga reer Spain ee ay xagaagii la soo wareegii Ander Herrera inuu u hayaamo Jarmalka taaso bedelkeena ay Bayern Munich bixiso 7 milyan ginni oo uu la socdo xiddiga reer Switzerland Xherdan Shaqiri. (Sunday Express)

Dhanka kale Atetico Madrid ayaa diyaar u ah inay aqbasho dalab 20 milyan ginni ah oo ka imaanaya Manchester United oo ay ku dooneyso 30 jirka daafaca dhexe ee Brazil Miranda. (Daily Star Sunday)

Everton ayaa ku dhow inay 10 milyan ginni ku dalbato weeraryahanka Basel Breel Embolo oo 18 jir ah kaasoo ay arkeen markii kooxda reer Switzerland ay Champions League bishii October la ciyaareysay Liverpool. (The Sun)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo xagaaga 26 jirka daafaca midig Seamus Coleman kaasoo lagu qiimeeyo 20 milyan ginni. (Mail on Sunday) 


32 jirka weerarka uga ciyaara Liverpool Rickie Lambert ayaa laga yaabaa inuu amaah lix bilood ah dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Southampton bisha Janaayo. (Sunday Express)

Kooxda Reds ayaa isku diyaarineysa inay 10 milyan ginni ku dalbato xiddiga 20 jirka ah ee garabka uga ciyaara kooxda Norwich City Nathan Redmond bisha Janaayo. (Daily Star Sunday)

Tottenham iyo Aston Villa ayaa ka shaqeynaya inay isweydaarsadaan labo ciyaaryahan oo khad dhexe ah, Fabian Delph oo u hayaamaya dhanka White Hart Lane iyo Lewis Holtby oo aaday dhanka Aston Villa. (The Sun)

Kooxda Arsenal ayaa u weecan doonta Joao Moutinho xiddiga khadka dhexe ee Monaco haddii Bayern Munich ay la wareegto xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Sami Khedira. (Mail on Sunday)

Manchester City ayaa ka fekereysa inay 200 milyan ginni ku dalbato xiddiga Barcelona Leo Messi, iyadoo madaxda kooxda ay fiirinayaan qaab ay ku keenaan xiddigaas islamarkaana aysan ku xadgudbin sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Uefa. (Mail on Sunday)


Contact@afkashacabka.com