Crystal Palace Oo Markale Cashar Lama Ilaawaan Ah U Soo Dhigtay Liverpool, Xili Ay Markale Dib Ugu Soo Laabatay

0
Monday November 24, 2014 - 08:29:19 in by Burco Office
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Crystal Palace Oo Markale Cashar Lama Ilaawaan Ah U Soo Dhigtay Liverpool, Xili Ay Markale Dib Ugu Soo Laabatay

    Kooxda Crystal Palace ayaa markale ka yaabsatay kooxda waqtigu ku adag yahay ee Liverpool, C.Palace ayaa 3:1 soo laabasho ah saddexda dhibcood kaga faramaroojisay. guuldaradan ayaa dhibka ku sii kordhinaysa kooxda Rodgers.Waa guuldaradii afraad oo xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Crystal Palace ayaa markale ka yaabsatay kooxda waqtigu ku adag yahay ee Liverpool, C.Palace ayaa 3:1 soo laabasho ah saddexda dhibcood kaga faramaroojisay. guuldaradan ayaa dhibka ku sii kordhinaysa kooxda Rodgers.Waa guuldaradii afraad oo xidhiidh ah taas oo Liverpool ka soo gaadhay tartamada oo dhan.


palce


Liverpool ayaa soo booqatay kooxda Crystal Palace halkaas oo ah goobtii lagu aasay rajadii horyaalka ee ay ku hamiyayeen inay hanato xili ciyaareedkii hore. Jamaahiirta Liverpool ayaan marnaba hilmaami doonin 11 kii daqiiqo ee masiisabada ku ahaa horyaalkii ay u dagaalamayeen xili ciyaareedkii hore markaas oo ay C. Palace saddex gool oo darandoori ah ka daba keentay Liverpool oo 3:0 ciyaarta ku hogaaminaysay.

Kadib markii Mario Balotelli ka soo kabsan waayay dhaawacii ka soo gaadhay tababarka xulka qaranka Talyaaniga ayay taasi fursad fiican siisay Rekie Lambert oo ku bilawday shaxda Rodgers. Kulankan oo xiiso gaar ah lahaa isla markaana ay Liverpool doonaysay inay C.Palace ka soo aarsato ayay Reds ku bilaabatay ciyaarta dardar xoogleh, waxayna daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaartaba goolka furitaanka u dhaliyay Lambert. Lambert ayay 90 second oo kaliya ku qaadatay inuu goolka furitaanka u dhaliyo Liverpool. Adam Lallana ayaa kubbad dheer oo uu meel fog uga soo tuuray ayuu Lambert si fiican u maamushay isla markaana uu ku dhaliyay goolkiisii kowaad ee uu liverpool u dhaliyo horyaalka ingiriiska. ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka kula wareegtay

.Lambert

C.Palace ayaa si deg deg ah uga jawaabtay goolka ay Liverpool kaga hormatay, waxayna goolka barbaraha la timid daqiiqadii 17 aad. Dwight Gayle ayaa kubbad birta ka soo booday dib ugu celiyay goolka uu waardiyaha ka hayayMignolet, sidaana wuxuu Gayle Liverpool goolal ka dhaliyay saddex kulan oo isku xiga. ciyaarta ayaana noqotay barbaro 1:1 ah.Gayle

Inkasta oo ay Liverpool qaybtii hore ee ciyaarta kubbada haysatay ayayna haddana fursado badan abuurin halka C.Palace ay ku ciyaaraysay qaab weerar deg deg ah isla markaan ay samaysay bartilmaameedyo ka badan kan ay Reds samaysay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaa Liverpool laga diiday rekoodhe cad kadib markii uu Sterling ciyaartoy C.Palace ah oo xeradiisa ganaaxa ku jira uu kubbad gacnta kaga dhuftay. ugu danbayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta yay C.palace soo laabatay iyada oo dhaarsan waxayna hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 78 aad kadib markii uuJoe Ledley u dhaliyay goolka ay C.palace maamulka ciyaarta kula wareegtay. ciyaarta ayaana noqotay 2:1 ay Crystal Palace hogaanka ku qabatay.

Daqiiqadii 81 aad ayuu xaalku Liverpool ku sii xumaaday kadib markii uuMile Jedinak ka dhaliyay gool laaga xorta ah ku yimid oo aad iyo aad qurux badan.Jedinak ayaa goolkan ka dhaliyay meel goolka Liverpool u jirta 25 yards, wuxuuna dhaliyay goolka kooxdiisa kalsoonida siiyay.ugu danbayn ayay ciyaartu ku soo dhamaatay 3:1 ay Crystal Palace ku dubatay Liverpool.

contact@afkashacabka.com