Madal Kulmisay Wasiirro iyo haldoorka Dalka oo Lagu Xusay Todobaadka Ganacsi Abuurka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
Monday November 24, 2014 - 08:44:12 in by Burco Office
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madal Kulmisay Wasiirro iyo haldoorka Dalka oo Lagu Xusay Todobaadka Ganacsi Abuurka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

    Hay'adda shaqadoon qaybteeda Somaliland, ayaa maanta Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ku qabatay shir Ballaadhan oo lagu xusayey Todobaadka Ganacsi abuurka (Global entrepreneurship Week) oo sannad kasta laga xuso Somaliland iyo waddamo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda shaqadoon qaybteeda Somaliland, ayaa maanta Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ku qabatay shir Ballaadhan oo lagu xusayey Todobaadka Ganacsi abuurka (Global entrepreneurship Week) oo sannad kasta laga xuso Somaliland iyo waddamo badan oo caalamka ah.


Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda shaqadoon, ayaa waxa ka qayb galay, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim Cumar, Wasiir Ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Warshadaha Cabdi Guray, Masuuliyiinta Hay’adda Shaqadoon ee Somaliland iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.


"Hawl-qabad kastaa waxa uu ku bilaabmaa fikir. GEW waxay ku bilaabantay fakir, Fikir kaas oo ahaa sidee loo abuuri karaa dhaqdhaqaaq caalimi ah oo suurtagliya in meel la iskugu keeno bulshada caalamka (heer magaalo, degmo, gobol, caalami iwm)si loogusoo bandhigo fikradaha ganacsi-abuur ee kale duwan.
Madaxa Barnaamijyada Hay’adda Shaqadoon Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa akhriyey Qoraal xambaarsan muhiimadda Todobaadkan, waxaanuu u dhignaa qoraalkaasi sedan:-

Kulamadaasna waxa ay noqon karaan udub-dhig iyo talaabo hor-u-socod ee dhinca hirgalinta ganacsi-abuur xoogan oo bulshada caalamku kaga baxdo saboolnimada iyo shaqo la’aanta baahsan ee jirta, loona hello kobac dhaqaale oo horseeda xasilooni iyo horumar.

Waa Maxay Global Entrepreneurship Week?

Waa dabaaldaga ugu weyn aduunka ee ay iskugu yimaadaan dadka wax ikhtiraacay (innovators) iyo dadka shaqo-abuurka ah (job creators) dadkaas oo ku guulaystay in ay hirgaliyaan fikradahooda. Si loogu dhiirigaliyo bulshada caalamka ee heer maxali, qaran ama caalami in ay dabarka ka furaan fikradahooda, ogaadaan waxay u baahan yihiin si ay ugu guulaystaan una xaqiijiyaan hadafkooda iyaga oo ka faa’idaysanaya khibradaha kale duwan ee kasoo qaybgalayaasha ku xeel dheer ganacsi abuurka.

GEW maaha kaliya barnaamij wacyi-galin ee waa fursad u u suurtagalinaysa bulshada in ay ogaadaan fursada ganacsi ee jira, khataraha ka hor iman kara inta ay ku jiraan geedi socodka ganacsi abuurka (entrepreneurship journey).siday u xalin lahaayeen dhibaatooyinka,

Sidoo kale waa fursad isbarasho, is-dhex-gal iyo xidhiidh-abuur taas oo keeni karta horumar dhinaca aqoon/khibrad iswaydaarsi ee kasoo qaybgalayaasha.

Sidoo kale waa fursad lagu baran karo sababaha guusha ama guul darada ee la xidhiidha ganacsi abuurka iyada oo laga faa’idaysanayo khibradda iyo aragtiyaha kale duwan ee ay bixinayaan xeel-dheerayaasha ganacsi ee hore usoo abuuray ganacsiyada kale duwan.


2. In La dhiso xidhiidh xoogan oo u dhaxeeya bulshada siiba ganacsata iyo dhalin yarta danaynaysa in ay abuuraan ganacsi u gaar ah (youth entrepreneurs), si ay u siiyaan gacan-qabasho dhaqaale/maalgashi ama hagid
1. In la dhiirigaliyo lana xoojiyo awooda ganacsi-abuur ee dhalinyarada Somaliland. Taas oo suurtagalinaysa in ay hoo u dhigto shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyarada iyo tahriibka.

3. In la abuuro lana xoojiyo shabakado xidhiidh (Networks) oo horseeda fursado shaqo, Tababar iyo maalgashi oo ay helaan dhalinyarada Somaliland.

4. In la dajiyo siyaasado u addeega ganacsi-abuur ka dhalinyarada (Global entrepreneurship Week) Somaliland.

Wasiirada, Maaliyadda, Madaxtooyada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Ganacsiga iyo Masuuliyiin kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa Hay’adda Shaqadoon ku bogaadiyey xuska todobaadkan ganacsi abuurka, waxaanay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay xuska todobaadkani iyo sida loogu baahan yahay in la abuuro ganacsi iyo shaqo, waxaanay u soo jeediyeen bulshada Somaliland inay is kaashadaan oo ay ka fikiraan sidii loo samayn lahaa ganacsi.

contact@afkashacabka.com