Hay`ada Samafalka Geeska Afrika Oo Munaasibad Casho Ah Ku Maamuustay Dhalinyaro Ka Tirsan Dagmada Maxamuud Haybe. IYO Dardaarankii wasiirada Daawo Sawiro

0
Tuesday November 25, 2014 - 08:58:54 in by Burco Office
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay`ada Samafalka Geeska Afrika Oo Munaasibad Casho Ah Ku Maamuustay Dhalinyaro Ka Tirsan Dagmada Maxamuud Haybe. IYO Dardaarankii wasiirada Daawo Sawiro

    Munaasibad casho sharaf ah oo lagu maamusayey dhalinyaro soo dhamaystay Afar bilood oo khuruuq Diinaya ah,isla mar ahaantaana hore u ahaan jirtay dhalinyaro inta badan qas iyo rabshado ka sameeya xaafadaha dagmada Maxamuud Haybe oo ku magacooda la od

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad casho sharaf ah oo lagu maamusayey dhalinyaro soo dhamaystay Afar bilood oo khuruuq Diinaya ah,isla mar ahaantaana hore u ahaan jirtay dhalinyaro inta badan qas iyo rabshado ka sameeya xaafadaha dagmada Maxamuud Haybe oo ku magacooda la odhan jiray ARSENAL,ayaa xalay lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.



DSC03707

Munaasibadan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Haayada Samafalka Geeska Afrika iyo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista,ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,agaasimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha,agaasimaha duulista iyo hawada,Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,Sheekh Maxamed Cali Geedi,Culimada gudida wanaag farista iyo xumaan reebista,ganacsato,culimo awdiin iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
DSC03713

Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Axmed Cali Ogaadeen oo ka tirsan guddida wanaag farista iyo xumaan reebista,waxaana uu faah faahin ka bixiyey sidii ay dhalinyartan khuruujka ugu direen.”Xafladan sababta inagu kaliftay in aynu u qabano dhalinyaradan,oo sababay in aynu xaflad maamuus aynu dhalinyarada caawa(Xalay)usamayno,runtii waxaa ay arrintaasi ay ku timi in maanta ay dhalinyartii xaafada wanaag aynu ka arragnay awgeed ay sababtay in aynu xaflad u qabano,in badan ayaa waxaa aad carabka loogu cel celin jiray dhalin falaagowday ayaa xaafada joogta,runtii wakhti hada laga joogo laba sanadood ayaa waxaa aanu nidhi waar dadku waxaa ay ku wanaagsan yihiin nasteexada,inaguna haddii aynu muslimiin nahay waxyaabaha lay noo soo saaray waxaa ka mid ah in aynu isu nasteexayno,oo in dadka sharaftooda meel lagaga dhaco ama loo hanjabo waxaa ka dhaw in la soo dhaweeyo,oo loo nasteexeeyo,runtii,runti xafiiska wanaag farista ee waaxda Maxamuud Haybe,ergo ayaa ay direen oo dhalinyarada ayaa aanu ergo u dirnay,waxaanu u dirnay ergadaas kooxii barigii hore la odhan jiray Arsenal,maanta se magacii waa laga badalay oo waxaa la yidhaahda Himilo,erga kasta oo aanu dirnaa waxay nagu soo celisaa nimanku waa niman wanaagsan,markii danbe shir badan ka bacdi,waxaanu ku guulaysanay in ay khuruuj u baxaan,oo heer la gaadho ay culimadii jameecadu tidhaahdo u kala kaadiya lama hayo jameecooyin la raaciye,caawana waa idin kaa arka in isbadal wayn oo durba ka muuqdo oo ay dib ugu soo laabteen jidkii saxda ahaa”Ayuu yidhi Sheekh Axmed Cali Ogaadeen.
DSC03710

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada ay leeyihiin illaalinta dhalinyarada,waxaana uu tilmaamay in wadanka dhalinyaro badan lahi uu yahay wadan leh mustaqbal fiican soo socdo.”Dhalinyaradu waxa weeye umaddaha mustaqbalkooda,Islaamkana dhalinyaradu waxaa ay kaga jiraan meel hore,runtiina umaddaha carabta inooga yimaada marka ay halkan yimaadaan waa ay inaga yaabaan,waxay yidhaahdaan waxaad tihiin dad nasiib badan,oo dadkiina 75% ayaa dhalinyaro ah,intiina Masaajida ayey safafka hore kaga jiraan.Laakiin wadamada kale ee dunidu sidaas maaha oo Turkiga oo kaliyo sidaas maaha,marka aad tagto waxaad ugu tagaysaa,odayaal wada golxo leh oo masaajidada ku jira,markaasaad ku odhanaysaa waar aaway caruurtiinii iyo dhalinyartiinii.Markaa umadd 75% ay misaajidka ku jiraan,waa umadd runtii mustaqbal leh.Markaa waxaa loo baahan yahay in aynu umad ahaan aynu ogaano oo dhalinyaradani waa mustaqbalkii barito oo loo sameeyo sidii loo maal galin lahaa,wakhtiyadii Siyaad barre waxaa la samayn jiray shaqadii qaranka waxa la yidhaahdo oo runtii ahayd mid aad u qiimo badan oo sanad waxaa la baraya milatariga oo ahayd in la baro sidii uu wadankiisa u difaai lahaa iyo sanadka kale oo uu shaqo lagayn jiray oo waxa laga yaaba in macalin laga dhigo oo meelo fog fog lagu qoro.waxaana markaa muhiim ah in dhalinyarada talo laga wada yeesho waayo iyaga ayaa mustaqbalkii wadanka ah.Illaahayna waxaan dhalinyarada halkan fadhiga uga baryayaa in ay faraj khayr qaba u noqdaan dhalinyaro kale oo aad u fara badan oo ay soo xero galiyaan”Ayuu yidhi Sheekh Maxame Cali Geedi.

Mid kamid ah dhalinyaradii cashashada loo sameeyey ee hore u ahaan jiray dhalinyarada rabshadaha ka sameeya xaafada Maxamuud Haybe Md:Daahir Axmed Gacayte ayaa waxaa uu yidhi.”Waxaan halkan uga mahad celinayaa wlaalahayga aadka u qaaliga ah ee dariiqa saxda ah na soo tusay,waxaan sida oo kale halkan uga mahad celinaya guddida wanaag farista iyo xumaan reebista oo iyaguna na barbar istaagay”
DSC03711

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska Md:Mustafe Cabdi Dhabeeye oo isna sida oo kale halkaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta arko dhalinyaradii hore loo odhan jiray Arsenal oo Alleh ku soo hanuuniyey wadadii xaqa ahayd.”Aad iyo aad ayaan u farax sanahay runtii dadkii soo qaban qaabiyey hawshan,waxaana runtii aniga markii iigu horeysay ARSENAL aanu ku kulanay masaajidkan Huda,oo la isku kaayo baray,barigii horena dee waa baan ka baqan jiray oo dee niman waxa laga sheegayo,oo dadku runtii cabsi badan ayaa ay dareemi jireen,markaan se is aragnay waxaan isleeyahay shaqadii maalintaa halkaa ka bilaabantay ayaa maantana gunaanadkeedii midhaheedii aan u joognaa,aad iyo aad ayaan runtii ugu amaanayaa culimada wanaag farista iyo xumaan reebistu dadaalka ay sameeyeen,iyo caqliga fiican ee ay kaga daba tageen markaa dhalinyarada ay dhibaatadu u muuqatay in ay sameeyaan”Ayuu yidhi agaasimaha guud ee Ciyaaraha. 


DSC03709

Md:Cali Maxamed Waran Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:”Runtii caawa farxad wayn ayaa aan dareemayaa,waayo waxa weeye amniga dalkeena waxaan aamin sanaa in uu u baahan yahay xoog,in uu u baahan yahay Askar fara badan,in uu u baahan yahay difaac fara badan,laakiin caawa waxaa ku soo kordhay in uu u baahan yahay caqli iyo diin in aynu ku wadno,waayo tusaale ahaan caawa waxaan magaalada galiyey 700-Askari oo dhalinyaradan oo mooyaane inta aan wali tubta toosan ku soo dhacin ay soo qab qabtaan,oo ay dagaal culus la galaan,dhalinyar kasta oo reer Somaliland ah waxaan qabaa in ay masuuliyiin ay yihiin,waxaa ay xil ka saaran yahay oo aabayaashiin ay u soo dhinteen,ee adeeradiin u soo dhinteen,hooyooyinkiin ku gob lameen oo aynu ka kicinay cidii la odhan jiray waa ay ina haysataa,in aad noqotaan kuwo Illaaliya midhihii la idiin ka tagay.Dhalinyaroy wadankani waxaa uu idiin ka baahan yahay in aad amnigiisa aad Illaalisaan”.

DSC03720

DSC03712

DSC03714

DSC03715

DSC03716

DSC03717

DSC03718

DSC03719

DSC03720

DSC03724

DSC03725

Cadnaan ciise 

hargeisa/office 

afkashacabka

contact@afkashacabka.com