Garyaqaannadda ka Soo Baxay Jaamacadda Hargeysa Oo Amaanay Waxqabad Ka Wasiirka Madaxtooyadda

0
Tuesday November 25, 2014 - 12:42:03 in by salman abdi
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaannadda ka Soo Baxay Jaamacadda Hargeysa Oo Amaanay Waxqabad Ka Wasiirka Madaxtooyadda

    Garyaqaanada G7 oo ah urur ay ku bahoobeen sharciyaqaanada ka soo baxay jaamacada Hargeysa ayaa ammaan iyo dhiiri galin u soo jeediyey Wasiirka wasaaradamadaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan, waxaanay sheegeen in uu yahay Wasiir had iyo jeer gar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaanada G7 oo ah urur ay ku bahoobeen sharciyaqaanada ka soo baxay jaamacada Hargeysa ayaa ammaan iyo dhiiri galin u soo jeediyey Wasiirka wasaaradamadaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan, waxaanay sheegeen in uu yahay Wasiir had iyo jeer garab taagan dhalinyarada reer Somaliland jecelna horumarka iyo shaqo u abuuri-dooda.

Gudoomiyaha guud ee ururkan garyaqaan Ludfi Mataan Muxumed ayaa sheegay mar uu ka hadlayey shir’jaraaid oo ay ku qabteen Summertime Hotel "Wasiirka wasaarada madaxtooyadu wuxuu inaga mudan yahay mahad celin iyo dhiiri galin haddii aynu nahay dhalinyarada reer Somaliland waayo wuxuu dhalinyarada u qabtay waa wax muuqda oo anfac u leh guud ahaan dhalinyarada reer Somaliland siiba shaqaalaysiintooda iyo dhiiri-galintooda sidii ay wax baran lahaayeen oo ay wadankooda horumar u gaadhsiin lahaayeen oo ay u ilaashan lahaayeen waayo waa kuwa bari xukan kan la wareegi doona ”

Guddoomiyuhu wuxuu intaas raaciyay "Wasiirka madaxtooyadu waa Wasiir dhalinyarro ah had iyo jeerna jecel inuu dhalinyarada la joogo oo uu fikir la wadaago wax badana ka og xaalka dhalinyarada soomaliland sidaa darted anigoo ku hadlaaya afka garyaqaanada dhalinyarada ee ka soo baxay jaamacada Hargeysa ee G7 waxaanu leenahay abaal ayaanu kuugu haynaa waxaana aanu ku aqoonsanahay wasiirka wax qabadka iyo dhiiri galinta waxbarashada dhalinyarada iyo guud ahaan wax qabadka muuqda ee aad dalka ka qabatay sida wadooyinka , shaqo abuurka iyo quruxda dalka.


Sidoo kale waxay wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland ku amaaneen tallooyinkii iyo casho sharaftii uu u sameeyey dhammaan ardaydii sanadkan ka qalin-jabisay jaamacadaha dalka oo inta uu casho sharaf u sameeyey hadana siiyey tallooyin wax ku ool ah.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu Wasiirka madaxtooyada ku dhiiri galinaynaa shaqada uu dhalinyarada u hayo waxaana aanu leenahay halkaas ka sii wad abaalkaagana waanu haynaa dhalinyaro ahaan




Contact@afkashacabka.com