Baarlamanka Soomaaliya Oo Istaag Loogu Qabiyey Waraaqaha Mooshinka Lagu Ridayo R/wasaaraha Iyo Xildhibaanno Jeex-jeexay

0
Tuesday November 25, 2014 - 12:55:10 in by salman abdi
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamanka Soomaaliya Oo Istaag Loogu Qabiyey Waraaqaha Mooshinka Lagu Ridayo R/wasaaraha Iyo Xildhibaanno Jeex-jeexay

    Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mar kale, yeeshay kulan aan degenaanshiyo ku dhicin oo loogu qaybiyay Mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro Raysal-wasaaraha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay mar kale, yeeshay kulan aan degenaanshiyo ku dhicin oo loogu qaybiyay Mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro Raysal-wasaaraha dalkaasi.


 


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa furay Shirkan oo aan wakhti badan qaadan, hase ahaatee markiiba ka baxay hoolka intuu xildhibaanada ku war-geliyay inay Mooshinka soo akhriyaan ilaa sabtida dambe.

Saxaafadda ayaa gabi ahaanba laga mabnuucay inay ka soo ag-dhawaadaan xarunta baarlamaanka. Xildhibaanada labada Garab u qaybsan ayaa la sheegay in Albaabka laga galo xarunta loogu qaybiyay Waraaqaha Mooshinka.


 

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa la sheegay inay isla goobtii loogu dhiibay Mooshinka ay ku jeex-jeexeen Warqadaha.

Mooshinka ayaa ku baaqaya in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ahmed, kadib markii khilaaf isaga iyo madaxwaynaha uu dhaxeeyaa carqaladeeyay howlihii dowladda.

Is afgaranwaaga madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa soo shaac-baxay kadib markii Ra’iisulwasaaruhu uu sameeyay isku shaandhayn uu wasiirka cadaaladda, Faarax Cabdulqaadir u wareejiyay wasaaradda xanaanada xoolaha.

Bulshada caalamka, ayaa ugu baaqday madaxda dalka in ay murankooda wadahadal ku xaliyaan.

Asbaabaha sal dhiga u ah Khilaafka soo noqnoqday ee Madaxda Soomaaliya ayaa ah qabyada Dastuurka.

Dastuurka Qabyada ah, ayaan qeexayn ama aan kala xadeynayn awoodaha Madaxweynaha iyo raysal-wasaaraha, saldhigna u ah isqabqabsiga labada masuul.

Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in sii socoshada muranka Madaxda dawladdu uu dalka ku celin karo dhibaatooyinka laga soo kabanayo "Waa Nasiib daro in madaxweynaha labada dannadood joogaa uu reysal-wasaarihii labaad uu isqab-qabsi ka dhex bilaabmo, Bishii November ayaa la beddelay Reysal-wasaarihii hore, iminkana kii kale ayaa la bedelayaa anigu ma arko inay wax micno ah samaynayso beddelka reysal-wasaaruhu, laakiinse waxa weeye in Dastuurka la qabyo tiro, waayo sababta ugu weyn ee Khilaafku waa Dastuurka,”ayuu BBC u sheegay Galaydh.

Geesta kale, Shacbiga Soomaaliyeed ayaa wadnaha farta ku haya natiijada uu keeni karo Khilaafka Madaxda Soomaaliya u dhexeeya ee sameeyay dhammaan Hay’addaha dalka ugu sareeya.

Kulanka Baarlamanka ee lagu qaybiyay mooshinka ayay dadku aad isha ugu hayeen, wallow aanay ka soo bixin natiijo lagaga gun-gaadhi karo Khilaafka Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha, waxaana intii uu socday hadheeyay buuq iyo sawaxan saameyn ku yeeshay degenaanshiyaha goobta.

Golaha Shacbiga ayaa fadhiga looga doodayo Mooshinka Guddoonku u balamiyey sabtida soo socota, laakiinse ma cadda sida badka loo soo dhigi karo maadaama ay xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinku aanay ogolaynba in dood la geliyo.



Contact@afkashacabka.com