Ciidamada Nigeria Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Cararaan Kooxda Boko Haram

0
Tuesday November 25, 2014 - 13:18:41 in by salman abdi
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nigeria Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Cararaan Kooxda Boko Haram

    Ururka ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta Nigeria, ayaa si xooggan u cambaareeyay ciidammada dalkaasi, oo u ku eedeeyay in ay ka cararaan weerarrada Boko Xaraam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta Nigeria, ayaa si xooggan u cambaareeyay ciidammada dalkaasi, oo u ku eedeeyay in ay ka cararaan weerarrada Boko Xaraam.


 


Ururka oo lagu magaacabo Jamacatu Nasril Islam, ayaa warqad uu ku matalayo Muslimka Nigeria ku sheegay, in uu si xooggan u dhaleeceynayo falalka xun ee Boko Xaraam, waxaana uu dowladda ugu baaqay in ay difaacdo shacabkeeda.


Ururka ayaa sidoo kale cambaareeyay ciidammada Nigeria, oo la sheego in halkii ay kala dagaallami lahaayeen ay hubka uga cararaan xooggaga Boko Xaraam, kaddibna ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyaga oo jidgooyooyin u dhigta, baaritaanna ku sameeya guryaha.
Jamacatu Nasril Islam oo uu hoggaamiyo Sultanka Sokoto, ayaa sheegtay in madax bannaanida Nigeria ay khatar ku sugan tahay, maadaama Boko Xaraam ay qabsatay deeganno badan.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in intee karaankeeda ah ay ku dadaaleyso jabinta Boko Xaraam. Balse weerarrada ururkaasi ayaa sii kordhaya, waxaana kii ugu dambeeyay ay Boko Xaraam har cad ku qaaday suuq ku yaalla gobolka Borno.
Dagaalyahannada Boko Xaraam ayaa isu soo ekeeyay dad ganacsato ah oo alaabo ku sita kartoono, waxaana ay galeen suuqa oo lagu magacaabo Damasak, kaddibna waxa ay kartoomada kala soo baxeen hubkooda.
Ilaa iyo hadda lama oga tirada dadka ku dhimatay weerarkaasi, waxaana dadka deegaankaasi ay intooda badan u qaxeen dalka deriska la ah ee Niger.



Contact@afkashacabka.com