Layaabka Manta:Hadaad Maqli Jirtay Gaadhi Socda, Mid Duula Ayaa Soo Baxay!!!

0
Tuesday November 25, 2014 - 13:21:25 in by salman abdi
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Manta:Hadaad Maqli Jirtay Gaadhi Socda, Mid Duula Ayaa Soo Baxay!!!

    Si la mid ah filinka Fast and Furious ee gawaadhida dheereysa lagu metalo, gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah oo sida konteenar ayaa ku guuleystay in uu ka dul boodo gaadhi nooca formula 1ka ah oo loo adeegsado baratanka dheereynta ee gawaadhida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si la mid ah filinka Fast and Furious ee gawaadhida dheereysa lagu metalo, gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah oo sida konteenar ayaa ku guuleystay in uu ka dul boodo gaadhi nooca formula 1ka ah oo loo adeegsado baratanka dheereynta ee gawaadhida.

Gaadhigan oo ah nooca loo yaqaano rig oo leh 8 taayar ayaa jebiyey rikoodh cusub oo caalami ah markii uu ka dulbooday gaadhi kale oo nooca orodada ah.

 

unnamed

Arintan mucjisada ah ayaa waxaa sameeyey Lotus oo ka tirsan koox la yidhaahdo F1 oo wada xayeysiis ku aadan in dib loo qaabeeyo gawaadhida , ninkani waxa uuu gaadhigan ka sameeyey in uu boodo bootintii ugu dheereyd ee gaadhi nooca xamuulka ahi sameeyo.

Waxaa halka sheekadani ka dhacday joogay dad ka socday buuga caalamiga ah ee Gaunness oo lagu qoro dhacdooyinka dunida ugu la yaabka badan.

Gaadhigan xamuulka ayaa dhulka kor uga booday qiyaas 83 feet ah ama 7 inches.

Ninka waday gaadhigan xamuulka ah ayaa la yidhaahdaa Mike Ryan, oo kaxaynayey gaadhi ay soo saartay Renault oo iyadu qaybisa mashiinada gawaadhida ay soo saarto Lotus ee tartamada inta badan lagu galo.


Contact@afkashacabka.com