Cidi iima noola! – W/Q. Cabdulqaadir Xalane

0
Tuesday November 25, 2014 - 13:46:14 in by salman abdi
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidi iima noola! – W/Q. Cabdulqaadir Xalane

    Ammintu waa saqdhexe, gudcur ba'anna uu jiro, hawada sare ee cirka daruuro mad madow baa heehaabayay wax iftiin ahna ma aysan jirin. Xiligaa maan kaceen ee xanuun daran iyo xummad baas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammintu waa saqdhexe, gudcur ba'anna uu jiro, hawada sare ee cirka daruuro mad madow baa heehaabayay wax iftiin ahna ma aysan jirin. Xiligaa maan kaceen ee xanuun daran iyo xummad baas


ayaa i sare yimi. Aniga oo gariiraya ayaan sariirta qunyar qunyar uga kacay, aad baan u neeftuurayaa sidii nin in muddo ah la'eryanayay, anigoo dhan u ciiraya ayaan socod bilaabay. Waxba maan kala ogayn oo qandhada iyo kaarka ihaya ayaa igala waynaa wax walba.

Dhanka suuliga ayaan u kicitamay, intaan u ciirayay ayay dhagahu mar qura qam iyi raahdeen. Dhawaqaas waan gartay oo waa hoobiye aqallo inoo dhow misne haawanaya habb! Kuyiri. Saas ee tahay kaarka uun baa igu sii kordhay. Xaalku aad buu iigu xumaa oo naflacaari baan taagnaa, Xaaskayga umaan yeeran oo waa xaamilo, kalkaal iyadaaba iiga baahan, waa loo took’hayaa oo hadday caawo fool qabato cid u tol ah ma jirto, anigaan isku yaabbana gargaar igama hesho, waxii jaar ahaa kol horee xaafadaan faarujiyeen oo way iskaga hayaameen, Alle baa u maqan oo ay garab kasugataa.

Aniguse mar bey geeridu inay ii timid mooday, dhawr calal oo isku maran baa lugaha iga ceshay, awood maan hayn oo si fudud baan u dhacay gabb! Naxdin dardar leh baa ii timid, Kolkaan hareera eeg eegay oo aan kawaayay wax I caawiya ayaan isku dayay inaan sara kaco, wayse ii suura gali wayday, markale ayaan isku dayay, jeerkan maxaa kuu geeyay ayay iga gaartay oo tii hore tu kadaran ayaa i heshay, intaan samadaa ka imi ayaan afganbi u dhacay gabb! Oo saacado ayaan miyir la’aa.

Xilli dambe ayay shuuxyar i kicisay, intaan kor u booday baan misne hore hore udhacay habb! Jeerkaan duco iyo Alle bari ayaan galay. Fadhi waan ka badin waayay oo naxdinta waxaa ii dheer baqdinta aan ka qabo hoobiyaha duulaya ee ciidanka xabashidu magaalada ku fir dhinayaan iyo weerarka dagaal baaxad leh oo ina dulsaaran. Cidi imay arkeen ee aad baan u dayacnaa, wax ii hagaagsanna ma ay jirin oo xubnahaan jirkayga ugu jeclaa oo aan aadka u xafidi jiray waa kuwaa iska kala daadsan. Xubnahaasi ooridayda mooyee ruux kaloo abid intaan caqli lahaa il’saarey may jirin, caawana inaan dado waan kari laahay. Ciida iyo calallo wasaq ah oo dhulka yaal baa u wehel ah.

Dhawaaqa rasaas culus iyo hub darandoori u dhaca ayaa dhagaha ina tirray .Ducadii baan afka ku cel celiyay ilaa calcalyadii ay Igadhamaato. Geeri ayaan qarka u saarnaa, anigoo og inay geeridu xaqq tahay ayaan misne baqayay.

Goor danbe ayaa Alle ii saqirey oo aan suuliga haleelay balse dhawaaqa rasaasta sekin dhagahaygu kama ay faaruqin. Mar qura ayaan kawar helay dhawaaq xoogan oo halmar habb! Nagu kor yiri, dhulkaa ila gariiray, cirkaan eeg eegay, suuligaan ku jiray jiingadiisii xumeed oo dacal kasoo laabatay iyo wax kusoo firdhay baan kawar helay, mise waxaa uu ku habsaday reerkaygii oo aan hurdo ku tirinayay, inta wixii xumad iyo xanuun I hayay iga haadeen, ayaan soo jaqaafay.

Nabar xun bay soo gaadhay, calool xummo aabbeheed ayaa ii soo martisay, Maxaan baroortay oo aan qeelo aflabadii kudhuftay, waxaan kuwaayay goobtaa xun aqalkii macbilka ahaa ee qolka iyo barsada ka koobnaa, sedex curuura iyo hooyadood oo aan aad uga murgay, dameerrkii aan ku xoogsan jiray, iyo gabi’aan farxadaydii oo ebyoon. Waxaan seegay maankii iyo maskaxdii oo xiskii baa si uun I noqday. Maqane jooge ayaan isu bedelay, intaan jeebka midig gacanta lagalay baan xabad sigaar Royal ah oo si u qaloocan sinna u buusan kuna raagtey jeebka fataq kasoo siiyay, ku halmaam murugtaan ayay iga ahayd, waxaanse bul kusiisto ayaan waayey, intaan sii kurbaday baan iska tuuray. Ma sii dhex joogi karo mana katagi karo caloolyowga aan qabo. Qof I caawiya oo meydadkaan ila asturana ma aan arag, darisna iima dhawa. Waabberi ga ayaan kawar sugayaa. Habeenkaas daran sidaa buu igu dhaafey.

Waagii baa dhag yiri, dibada ayaan u soo baxay, waxan is iri bal carar oo dad soo dadayo, kii saaxiibkey ahaa isna meel aan kala xariiro garanba wa’, ku hadalka gacanta oo shiinees cod guuxa ahaa isna wixii xalayto burburay ayuu kamid ahaa. Furun dagaal maxaa ku dajiyayna waan ku halaanhalay.

Waan soo dhaqaaqay oo kolba jihaan daymooday, way wada haawanayaan dariiqyadu, waa xaafad aad moodo sidii buulo hagaas ah. lugtaan boobsiiyay oo hillinka hoyaadka saaxiibkeey tagayey ayaan cagta saaray. Mise waxaaba meel aan sidaa u fogeen igaga soo baxay ku mooryaan ah sisina u taakdaran oo qori Ake 47 kor u ridaya, waxaan judhiiba mooday inuu libaax isoo weeraray anigoo ay’ cidla ah maraya, intuu istaag oo gacmaha kor u qaad iyiri misne I dul yimid. Deedna "is fududee waxaad haysanna halkaa dhigg, hadii kale xagaa iyo jeelka iyo danbi aadan galin dusha u rido” ayuu durba kuhadaaqay.

Aad buu ii shar yareestay oo intuu "ina kexeey feera’weyna yahow” yiri buu i hor qabtay. Aniguse ciil baan la bukaa oo jeelka waxba uma arko. Baqdin, naxdin, cabsi iyo murugo tunna looma dhinto, haddii loo dhintana xalay ayan reer keega safarka aakhiro lawadaagi lahaa oo ay naftu iga haadi lahayd. Mar bayse niyadaydu ii sheegtay sida tan "hadaadan dhiman xalay ma saakaa naftu kaa bixi, doqon yahow isbiimee oo ninkaan dhuuban intaad isku duubtid qoriga kala wareeg. Bahal bahal dhalay iska dhig oo daf kasoo sii qoriga. Haday kuu hagaagtase maxaa xigi? Ma isaga ayaad kaxeesataa oo maydka kula xabaalaya? Mooyi oo iskuma aamini kartid askari mooriyaan eh. kawaran haduu inta aad maydka asturaysaan qoriga inta dafo afar xabadood ku liqsiiyo oo maydkana shan kaaga dhigo? Kawaranse haduu kaa diido oo uu dhimasho kadoorto? Haduu isku kaa maro sidii maradii xalay maxaad fali? wixii dhici lahaa ayaa dhacaya. Haa wixii dhici lahaa uun baa dhici.” Intaan isla ganuunacayey waxaan dhaqaaqnay qiyaastii toban tillaabo oo kali ah.

Intaan mar qudha si dhaba isu dhiiri galiyay ayaan haw hore ugu iri, kolkaasaan qorigiisii ka xayuubsaday. Saas aan uga dafay maahee riishada ayaan farta galiyay anigoon waxba sameen buu kii xumaa inta is baar baaray gadaal gacanta u ritay, intuusan gacantii soo celin ayaan rasaas ladhacay oon si walbo u qabadsiiyay maar, isagoo dulka yaala xitaa waan lasii dhacay sidii inuu igu soo kacayo. Malaha sida rasaasta loo maamula ayaa idhibeysa waana xakameen laahay, Hal xabbad markaan liqsiiyay waxaan is iri kajooji balse wili riishada ayaan farta kusii hayaa, marnaba maankeyga maygalin meeshan xun farta ka bixi, waxaanse intaas raadinayay halkaan rasaasta ka hakin lahaa. waayo murugada iyo ciilka ihayaa meel aad u fog ayay iga gaadhay.

Caqli xumadaydu markay rasaastii qoriga ka faaruqdey dhawaqeedina i dhaafay ayaan qoriga inta meelaan iga fogeen ku tuuray baan maydka kaan ifka seejiyay kor tagay, anigoo is gaabinaya ayaan u kuur galay eeg madiisa. Aad ayaan uga naxay sida maydku u yaalo, calool xummo ayaan dareemay tin iyo cidhiba, gar iyo gafuurba waa wada dhiig iyo cad-cad hiliboo go’go’an. Waxaan uga welwelay sidii ubad aan dhalay. Garweeye illeen waligay xabad ma’an ridin qorina garab maan suran, waa markii koowaad ee aan xabado riddo, waana markii iigu horaysey ee aan ruux dillo kas iyo kama’ba.

Cid aan sidaan uga wel-welaa ii maba harinee murugada aan iska daayo, wixii xalay reerkayga kudhacay ayaan gocaday. "War meeshan iskaga kac kani waa marxuun qaldaan ah, oo weliba nin careesan buu ku qaldamay” ayaan isku canaante. Hadiiba waxaa isla halkii yimid dhawr iyo afartan ciidan eh oo gurmad kusoo gaaray ciidan kii xalay duullaanka lagu soo qaaday oo uu kamidka ahaa kan maydkiisu i hor yaalo. Ciidan kaas waxaa garab socday tiro yar oo ciidan itoobiyaan ah.Wixii hub lasitay baa mar kaliya laygu soo wada foorariyay, markii in cabaara war iyo nuuxsi toona layga waayay ayaa xabbado aan badnay oo laygu bajinayo kor loo riday. Hadiiba waan istaagay oo hadal ayaan isku dayay, gacmahana kor ayaan u taagay oo halis ismaan galin.

Taliyihii ciidanka watay durba wuu dareemay inaanan ahayn ku kamid ah ragii xalay la dirirayay. Durba dharkayga ayuu kagartay, Funaanad xun oo NIKE shafka uga xardhan tahay sinna u rafaadsan iyo sarwaal dhan walba kakaban oo aan in muda ahba dhar ahaan u xirnaa ayuu eegmo ladhacay, saw qalad maaha in qalad lay xisaabsho. waxa kaluu gartay sida qaabka daran ee aan rasaasta u ladhacay kan galbaday iyo meelaha aad kaga dhiftay oo ay kamidka yihiin gacmaha, caloosha, bawd yaha, lawyaha iyo wixii la halmaama. Taliyuhu waxaa uu amray isagoo bistoolad uu sitay kor u ridaya in hubka oo idil hoos lawada aadiyo dabadeed gaariga laygu tuuro.

Ibtiladu se waxay dhacday kolkii dhawrkii nin ee ciidanka garab socday oo ciidan xabashiyeed ahaay damceen inay i kaxeestaan, mid itoobiyan ah baa dalqada feedh i qabadsiiyay, Mar qura ayaan matag dhiig ah tuf soo siiyay, xaalku markaan aad buu iigu sii xumaaday. Taliyihii damiir soomalinimo baa si uun u galay, cadawgiina intuu iga dhacshay oo uu ka diiday inay ila wareegaan buu cadbi-billaha halasaaro ninkaan yiri. Xabashidu ma ay quusanin oo wili anigay i quud dareenayaan. Garanmaayo waxaan ka haleeyay oo ay ii beegsanayaan mise jabkii xalay soo gaadhay ayay ka gadood san yihiin. Aniguse kama jab yari oo dadkii dunida aan ka eeganayay oo idil xalay ayay I dhaafeen. I xirra ama i daaya waxba uma kale arko ayaan ku iri dhawr askartii ah oo jeebbad igu dhufanayay.

Cinwaanka laygu hagayo waa saldhig, waa saldhig nolol adag, waan ogsoonahay inaan dhibaato kala kulmi doono. Inta la ii sii wadday saldhiga ciidan ee ugu dhaw oo ay ciidan dawladeed haystaan.

Waxaa i xasuus galiyay markaan arkay dhawr caruura oo ku ciyaararaysa xaafad u dhaw saldhiga la ii wado, waan ciishooday oo waxaan kaxumahay inaan caruurtayda iyo hooyadood mayd kooda xabaali kari waayo, waxaanan kabaqayaa maalinta Yawmul Qiyaamo inay Alle igu dacweeyaan oo ay yiraahdaan kani waa aabbaheen waxuuna aasi waayay maydadkeena. Dad kale oo kadhow meesha aan daganeyn ma ay jirin aan ka ahayn mid aynu saaxiibo nahay oo dameerley ah kaasoy boqol guri oo cidla ah inoo dhaxeeso. Waatay soomaalidu tiraahdo "Dameerraley dadka la xeer ma aha” kol haday sidaa tahay oo uu san xalay galaafan, isagaa asturi doona maydadka oo waan hubaa, haa oo waan hubaa, isku xeer baynu nahay.

Markii aynu nimid halkaan kubeegneen ayaa saldhiga laygu tuuray, maalin kadibna xukun ayaa la igu fuliyay maxkamad la’aan, oo kiis culus ayay qoorta ii sudheen, danbiile weyn ayaa layga dhigay. Inta la i wirfiyay ayaa xabsiga hakusii nagaado la yiri. Waxaa laygu eedeeyay gafuur-duub nimo oo hoobiye xanbaar bay igu tilmameen, wax base kamay jirrin. Xalaal quute xooggiisa maala ayaan ahaa, wali nin ku hamiyay waxay sheegayaan ma ahi.

Siday jir-dil iigu wadeen oo iigu wadeen ilaa ganfuurkii uu buuro ile ekaado, indhuhuna ay i qarsoomaan sidii indha yarta, dhiig madowna aan soo butaaciyo, dhagahuna qam iyi raahdaan. Kolkay beentu u socon waysay ayay luggo u yeeleen oo koronto ayay I qabadsiiyeen illaa:

Haa…haa…haa… Waan ahay…waan ahay, ay iga yeersiiyaan.

Sinna waan u qaadan waayay oo waxba lama hubsan, inaan ahay ruux dibane ah way iska muuqataa, misne wax ii arxan daya oo dhibkaan igu sii badanaya iga gargaara waan waayay, cidina iima noola oo cidina ii may dacwoon kiiskiina waala meel mariyay.

******

Muddo ayaan sidaa xabsiga ugu jiray oo aan maxbuus ku ahaa.

Waxaba waxbaa kadarane, aragga gaaweetada xunee moqorafka la moodo oo aan waxba galin, wax calooshayda celiyana aan qaadin maxaa i hor dhigay, muddo sanad ah iyada ayaan wax ku cunaa kumana qanacsani. Shan iyo toban ragga ayaa ila xiran aragooda ayaanna dhibsadey, waqtiga ayaa iskeen baray oo saaxiibo dhawr ah ayaan ku dhexyeeshay. Balaaway xooggii iyo xaj miggii aan lahaa, sow anigan sanad qura xaanshi isu rogey, oo aawayse murqihii kuuskuusnaa, sow iyagaan is gurayba.

Waxa aan ka rajo dhigay dunida gabbi ahaan oo waxaan isku arkay ruux ku fashilmay imtixaankii nolosha. Waxaa iga muuqata diihaal iyo darxumo intuba. Ugu danbeen se waxaan wacad ku maray inaan mar uun xuriyadaydii dib u helo.

Maalin bay ahayd, maalin farxad ay murugo ii raacday bay ahayd. weerar aan gabasho lahayn ayaa dhacay, ragg baa saldhiga inay lawareegaan soo hawooday, ma ay baqaneyn oo gaari qarxa ayay iska soo hor mariyeen, rasaasbaa si xiriira la isla helay, anana fursad baan helnay, baxsasho ayaan ku fekiray. Waxay ii ahayd baxsasho dhaba, haddiise lay xabadeeyo ila maaha in rasaastu iga dhex dusi karto oo wili waxay ila tahay inay rasaastoodu qabyo tahay oo aan la abyin midii igalaafan lahayd.

Baxsashadani sida ay u dhibka badan tahay kuuna cabsi galinayso waa mid ruux aan geesi ahayni iskuba dayi karin. Saldhigaan weerar baa lagu yahay oo ruuxii dibada uga soo baxaa labada dhan mid baa wuxaa hayo ku firdhinaya.

Annoo dhiiran baa inta shan iyo tobankii ila xirnaa tashkiilis ugalay baan ku iri: "raggow afartaan mitir dhimashaan kadooranaynaa, ama innaga oo badqabna ayaynu baxsaneenaa”. inkastoo ay jirto tiro shan ah inay ku andacoodeen inayba xukun koodii dhameesteen, rajaynayaanna in maalmaha soo aadan meesha laga fasixi doono. Warkooda dhag jalaq umaansiin oo intii kale iyo anigoo ku kow iyo toban ah baan ooda jabsanay.

Sidii shabeel ugaar dilanaya baan u soon dhakanay, aayar ayaan saqle orod kusoo dhaqaaqney, markii aynu iridka hore soo gaadhnayna cagaha ayaan wax kadaynay.

Ciidankii lasoo weeraray ee dhufeesyada kujiray baa aad u amakaagay. Waxa ay u qaateen qorshaha weerarkaba in baxsashadeena looga dan lahaa. Kolkaas ayay innaga o aan wili goolad haleelin wixii rasaas sheegta ina qabad siiyeen. Intayadii badbaaday markaynu gabashi fog helnay baynu isi fiir fiirinay, waxaynu nahay tiro sedex ah, macquul way ila noqon wayday oo gadaal ayaan dhugtay mise maxaa mayd saaxiib daadsan. Kama naxayo oo geerida daris ayaan la noqday, Waxa mayd dhulka yaal ma malaysan karaysid, waxa dhaawac daadsan iyo waxa dhiig dhulka ceegaga iyo waxa ummad jeelka jilaysan tunna kamaan naxayn oo waan baqdin gooyay. Waxayse i xasuusisay sannad kahor iyo sida wax u dhaceen iyo sidaan u awoodi kari waayay mayd dhawr ahoo ii yaalay meel, maantana sidoo kale waan awoodi waayay saaxiibaday inta dhaawaca ah inaan soo qaado oo liif ayaa saaran.

Meel aan u ban baxo garan maayo oo cid aan weheshado garanba wa’. Xagaa iyo xagaa, xabsiga iyo dagaalka kasocdo ayaan eegay.

Jeelka ayan durba u xiisay oo jihaan qabtaba waan waayay, goob saldhigu iiga muuqdo oo afartii mitir waxba aan dhaamin baan taagnahay, kol hadii aan jiho aan qabta la’ahay sow igala dhigna wili inaan maxbuus ahay. Maankeyga waxa dood iyo buuq kadhex yeeraya waxay u muuqdaan hirba hir inuu daba yaal.

Aad ayaan banaanka ugu hamuun qabay balse magaalada meel aan ka qabto waan ka la’ahay. Maxaan galabsaday anigu? Maxayna tahay sababtaan u noolahay? Cidi ii ma noola kolba hadii ay dad waxaan garanayey geeri haleeshay.

Dhammaad

W/Q:Cabdulqaadir Jaamac Xalane