Daawo: Wararkii U Danbeeyay Dibad-baxyadii Qalallaasaha Watay Ee Ka Dhacay Dalka Maraykanka+Sawiro

0
Tuesday November 25, 2014 - 22:54:34 in by salman abdi
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wararkii U Danbeeyay Dibad-baxyadii Qalallaasaha Watay Ee Ka Dhacay Dalka Maraykanka+Sawiro

    Dacwad-oogaha degmada St. Louis County, Robert McCulloch, ayaa ku dhawaaqay go'aanka ay soo saareen xeer-beegtidu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwad-oogaha degmada St. Louis County, Robert McCulloch, ayaa ku dhawaaqay go'aanka ay soo saareen xeer-beegtidu

Wararkii u danbeeyay Gobolka Missouri ee wadanka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa Xeer-beegtidii loo saaray dilka wiil madow ah oo uu dilay Askri caddaan ah, ayaa ku dhawaaqay inaanu askarigaasi wax dambi ah lahayn. iyada oo xukunkan xeer beegtida uu ka dhashay qalalaase gacan ka hadal wata iyo boob billiliqo ah oo ka bilaabmay magaalada uu falkani ka dhacay ee Ferguson.

Dacwad-oogaha degmada St. Louis County, Robert McCulloch, ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay soo saareen xeer-beegtidu, isaga oo sheegay in askariga oo lagu magacaabo Darren Wilson aan loo raaci Karin wax dambi ah oo la xidhiidha dilka Michael Brown oo ahaa wiil dhalinyara ah oo madow ah oo aan hubaysnayn xiligii dilkiisu dhacayay.

Banaanbaxyo ayaa isla markiiba bilaabmay, qaar ka mid ah dibad baxayaasha ayaa dhac iyo bililqo u gaystay goobo ganacsi, waxaanay dhagax ku tureen ciidamada Booliska.

 

 

Booliska ayaa ku jawaabay qiiqa dadka kaga ilmaysiiya.

 

Saacado ka dib Booliska St. Louis County ayaa sheegay in ugu yaraan 12 dhisme dab la qabadsiiyay, waxaana taliyaha booliskaasi uu sheegay inaanay boolisku xabad ridi, laakin waxaa uu xusay inuu maqlayay 150 rasaas ah oo la riday.

 

Inkasta oo aanay jirin wax dhaawac ah oo rabshadahaa ka dhashay, hadana waxa jira magaalooyink kale oo waaweyn oo ay dibad baxyadani saamayn ku yeesheen kuwaas oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Oakland,Chicago iyo New York.

 

Banaanbaxayada ayaa saameeyay magaalooyin kale oo dalka Maraykanka sida New York , Oakland iyo Chicago. 


HALKAN KA DAAWO WARARKII U DANBEYAY

http://www.aljazeera.com/news/americas/2014/11/riots-ferguson-after-no-indictment-ruling-20141125456576161.html


 

Contact@afkashacabka.com